|

Sanaag: Ujeedada kormeer ay wasiirada Beeraha,Shaqada iyo iyo Arimaha Bulshadu ku soo mareen degaamada buuraleyda qaarkood

Ceerigaabo Mar 05,2012(SDN)-Wasiirada wasaaradaha Beeraha,Shaqada iyo  iyo Arimaha Bulshada ayaa maanta kormeer ku soo maray qaar ka mid ah deegaanada Beeraleyda Gobolka Sanaag.

Wasiirka wasaarada Beeraha Md.Faarax Cilmi Geedoole,oo ay Waheliso Wasiirada Shaqada,Arimaha Bulshada Marwo,Ilhaan Mohamed Jaamac ayaa waxay ay maanta Kormeer ku soo mareen Deegaanada Beeralayda ee Midhisho,Tuulada Kulmiye oo Kaga beegan Magaalada Ceerigaabo Dhanka Waqooyi Bari.

Wasiirada ayaa Kormeerkan ugu Kuurgalayay Xaalada Nololeed iyo Tan deegaan ee Bulshada iyo Duunyada ku dhaqan Deegaamadaasi Halkaas oo xogwaran ka qaateen Duqayda iyo waxgaradka Deegaanadaasi.

Koormeer ayaa waxaa uu ku qotomaa sidii Musuuliyiintani Xog ogaal ugu Noqon lahaayeen Xaalada Deegamadaasi isla markaana ay Qiimayn ugu samayn lahaayeen.

Weftigan ayaa Maalmahan hawlshaqo u joogay Gobolka Sanaag,ayaa waxaa ay Hore u soo mareen,Xeebaha Bari ee Gobolkaas.

SDN-Ceerigaabo

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed