|

Cusbitaalka Haweenka Festuulaha ee Boorame oo ka gudoomay ururka AIF deeq ka kooban qalab caafimaad oo kala duwan

Borama Mar 05,2012(SDN)-Cusbitaalka Xanuunada haweenka ee Festuulaha ee Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal ayaa maanta ka gudoomay ururka A I F deeq ka kooban qalab caafimaad oo kala duwan.

Deeqdani oo ay bixisay ururka caalamiga ah ee  A I F oo ka hawlgala  taageerooyinka rugaha caafimaad ee haweenka aduunka ayaa waxay ka kooban tahay qalab isugu jira sariiro, Dharka shaqaalaha caafimaadka iyo bukaan jiifka, waxaana deeqdaasi gudoomay Agaasimaha Cisbitaalkaasi Dr ibraahin Siciid Qaws.

Agaasimaha Cisbitaalka oo ka hadlayey munaasabadaasia ayaa sheegay in labadii todobaad ee u dambeeyey ay dhakhtarka ku daweeyeen ugu yaraan 35 haween ah oo ka kala yimid gobolada Sanaag, Saaxil iyo Togdheer. Isagoo sidoo kalena ururka AIF uga mahadceliey kaalmadooda caafimaad oo uu ku sheegay mid muhiimad u leh cisbitaalka, waxuuna kula dardaarmay inay sii wadaan taageeradooda.

Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Boorame Dr Ismaaciil Muxumud Aaye oo goob jog ka ahaa kulankaasi ayaa uga mahadceliyey ururka AIF kaalmadooda caafimaad isla markaana sheegay inay sidoo kale cisbitaalka guud ku soo kordhiyeen qaybta xanuunada dhimirka oo dhowaan hawlgeli doonta.

Mudane Siciid Maxamed Xaaji oo ku hadlayey magaca ururka AIF ayaa sheegay inay xog ogaal u yihiin baahida cisbitaalkan isla markaana ay intii awoodooda ah sii dhiirrigelinayaan habsami u socodka hawlaha cisbitaalka.

Sida la ogyahay Ururka AIF waxuu hore taageerooyin caafimaad uga gaystay xarumo caafimaad oo ku yaalla gobolada Somaliland qaarkood.

SDN-Borame

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed