|

KARBADKA CAS EE SIILAANYO KU DUL SOCDAA WAA DHIIGII S.N.M.

KARBADKA CAS EE SIILAANYO KU DUL SOCDAA WAA DHIIGII S.N.M.

LOOGAMA FADHIYIN MAANTA IN UU KADHAWAAJIYO MARWOOYINKII

HALYEEYADII S.N.M.IYO AGOONTOODII

waxaan salaan gaar ah u dirayaa wariyayaasha somalidiasporanews ee wararka nagula socodsiinayaa meelkastoo aan joogno. 

Waad salaamantihiin dhamaantiin .salaan ka dib dhawaaqii soo yeedhaaba kii kale ka daran.

Dhawaaqii dheeraa ee ka soo yeedhay marwooyinkii naga mudnaa sharafta  iyo wanaaga Iyo halyeeyadii  ku dhaawacmay dagaalkii  ka xoraynta shacbiga reer soomaali land dulmiga  waxaa si weyn looga dareemay  meel kasta ooy ku nool yihiin  dadkaa ay khusaysaa  arntaasi.

Taas oo ahayd arin aad iyo aad looga xumaaday ficilka xun ee bilaa naxariista ah ee ay ku kaceen xukuumada siilaanyoiyo maxamed xaashi  in ay ka jaraan gunadii yarayd ee Ay qaadan jireen agoontii s.n.m.iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalkii ka xoraynta shacbiga  reer soomaali land dulmigii  foosha xumaa.

KU SOCTA DHAMAAN DAWLADA IYO SHACBIGA HOOS HADHSANAYA

DHAMAAN DHULKII AY S.N.M. KA XORAYSAY DULMIGA  IYO DULIGII

Waxaan idin leeyahay walaalyaal dulmiga layskuma eego hadayu isku eegnana waxaan filanaa  waa  habaar iyo cadha alle  in dawlada iyo madaxdeedu markay maceeshadu  kacdo ay mushaharka isku kordhiyaan  iyagoo eegaya  dantooda u gaarka ah iyaga iyo caruurtooda wax ku filan. 

Dadkii wadankan u soo dhintayna lajarto caruurtoodii  gunadii ay xaqa u lahaayeen  waa wax aan la qaadan karaynin.

Hadaynu nahay  dad aaminsan  manta qadiyadii ninmankaasi u soo dhinteen ee aynu wada hoos  hadhsanayno dawlad iyo shacaba waxaa inla gudboon in aan isku meel ooga  soo wada jeedsano ficilkaa xun  ay ku dhaqaaqeen siilaanyo iyo maxamed xaashi  aan Tusnana  sida aan ooga xunahay.

Haddii taa la waayo meel xun baa lag.a eegi   xumaha aan ka hortagno inta uu daba qabasho leeyahay.

Marwooyinkii halyeeyadu s.n.m.  ka hoydeen in manta ay siilaanyo iyo maxamed xaashi.

Hortayada kaga dhawaaqshaan  oo na tusiyaan baahidooda  waxaan idiin sheegayaa idinku fool liiq liiqanayaad tihiin  in rag idinka horeeyey oo idinka xoog waynaa maalin Cad xukuumadahoodii laga takhlusay  idinkana la idiin daahi mayo  haddii alle yidhaa.

Waayo dulmiga ilaahay ma jecla  hadaanu nahay shacbiga reer soomaali land u dul qaadan mayno dawlad kasta oo timaadaa in ay dambaabidh s.n.m. tusaale ayaan idin siinayaa aad iyo aadna inoogu fool xun hadaynaan ka dhiidhiyina walaahi in ay goryo heryeysani idiinku soo gali ooydin waayi wax idinka dhiciya waayo geesiyiintiinii idin dhaliyey xoriyada eek u naf iyo aduunba waayey marka waxyeelo loo gaysanayo hadaad ka dhiidhiyi waydo maxaad iga filanaysaa in aan kuu qabto ilay waxaan arkaa sidaad iminka ka yeeshay mujaahidiintaadii  hadaad u aamustaan waxay ka dhigantahay in aad la mid tahay waayo sidaas weeye macnahaagu.

DAWLADII INA CIGAAL

Sidii uu s.n.m.  ka yeelay waad wada ogaydeen waxaana markhaati idiinku filan  20sano.

Miyaad maqasheen ilay ciidan baynu leenahay saraakiil la siinayo darajo xidigo  waynu maqalnaa arday jaamacad ka baxday iyo haween siminaaro loo qabtay waxaynu u maqli waynay intaas oo sarkaal oo xidigo la siiyey intaas u dhaafi mayo waana arin u baahan ka fakarkeeda   adigoo is leh mid ku xiga wax yeel  baad marar badan ku ciidan iyo xoogba waayeysaa.

DAWLADII IN RIYAALE

Isna waxaa uu yidhi iyo kuwa ay isku fakir ahaayeen yaan taariikhdii s.n.m. dugsiyada caruurta loogu dhigine.

Inariyaale iyo kuwaasiba dugsiga waxay ku soo dhigteen taariikh dagaalkii 1 iyo 2 ee yurub ka dhacay oonay waxba ooga 15 toban ahayn.

Laakiin waxay ilwsanyihiin kuraastan iyo magacna waxa u yeelay in ay ahayd dhiigii halyyyadii s.n.m.

DAWLADA SIILAANYO

Siilaanyo iyo maxamed xaashi iyagu iyagaabu isku qorey buugta lagu qoro taariikhda xun horana waxbaa logo sheegsheegi jiray tana iyagaaba isku markhaati furay anaguna idin sheegi mayno laakiin idinkaa is sheegaya  idinku waxaaba ad tiraahdeen agoontii Aanu biilkii ka jarno.

MARKA AY HALKAA MARAYSO

Waxaa dadka kala saaraa waa culumada sharciga ilaahay taqaan  in ay dadka soo kala dhex galaan weeye haday soo kala dhex gali waayaan  maalan kale ayey garan wax walbana ma ah in ay culimadu yidhaahdaan waa siyasad  ma ah waa xaqaaiq ka jirta meesha ay ku noolyihiin.

Ibnu aswad waa kii lahaa culimadu waxay xukuntaa madaxda  madaxduna waxay xukuntaa shacbiga.

Halkana waxaa ka muuqta in shacbigii uun la xukumo  shacbigiina olalayo  dawdiisiina wax ka dhageysanyaa aanu jirin.

Doorkii culimadu marka uu maqan yahay waxaas oo dhan baa dhacaya oo shacbiga lagu tagri falayaa xukunkii oo qaarkood aad argteen iyadoo cagaf cagaf la marinayo  hantidoodii  oo manta la caydheeyey.

DHAKO AYAA LOO BAAHANYAHAY

Waxaa dhaliil ahna yaan cadaawad loo qaadan  sida ay tahay ha loo qaato arintaasi.

Sidaa iyo nabad gelyo allena ha inaga dhigo ku xumaha iska qabta wanaagana is fara Kuwooda dulmana u hiiliya

 

FUAD FARAH

XOGHAYIHII S.N.M.USIYO CANADA

 

FUADJAWI@HOTMAIL.COM

Comments are closed