|

Xisbiga UCID oo naqdiyay qaabkii ay D/Hoose ee Hargeysi u fullisay hawlgalka hagaajinta bilicda

Hargeysa, 05, March 2012 (SDN)- Xisbiga UCID oo naqdiyay qaabkii ay Dawladda Hoose ee Hargeisa u rartay dadkii ku ganacsan jiray hareeraha wadooyinka magaalada Hargeysa.

War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta xisbiga ayaa lagu sheegay inaanay dawladda hoose ka fiirsan tallaabadii ay ku rartay dadka danyarta ah, isla markaana uu keenay hawlgalkaasi burbur dhaqaale.

Waxa kale oo uu warsaxaafadeedka lagu qodobeeyay sidii ay dawladda hoose u bogsiin lahayd dhibta hawlgalkeedu keenay, isla markaana dadkii danyarta ahaa loogu heli lahaa goobo ay ku ganacsadaan.

Waxaanu u dhignaa warsaxaafadeedkaasi sidan:

“Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka ee UCID, markii uu daraasad iyo qiimayn balaadhan ku sameeyay qaabkii ay Dawlada Hoose ee caasimadda Hargeysi ay ula dhaqantay dadka danyarta ah ee ka xoogsan jiray daafaha waydooyinka, in ay ahayd arin aan si mug leh looga fiirsan.

Way fiicantahay in bilicda caasimada laga shaqeeyo laakiin in qorshe loo dejiyo ayaa ka horaysa in dadka laga baabiiyo hantidooda iyo meelaha yaryar ee ay nolol maalmeedkooda ka soo saari jireen.

Sida la ogsoonyahay Dawlad kastaa waxay ku dadaashaa geed dheer iyo geed gaabanba ufuushaa sidii bulshadeeda ay ugu abuuri lahayd shaqo, hasayeeshee marna Dawlad kuma kacdo inay ka baabiiso shaqooyinka ay iskood bulshadu abuurtaan.

Hawlgalka ay Dawlada Hoose fulisay waxa uu keenay burbur dhaqaale oo aad u baaxadwayn, hawlgalkan oo shaqo tiray ugu yaraan 50,000 (konton kun oo qof) oo awal ku asturnaa meheradahaas yaryar oo aanay cidina  ka taageerin hasa yeeshee ay iskood u abuurteen.

Sidaa daraadeed Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelku  waxa uu u soo jeedinayaa Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa:

1.      In si dedega ah loo dejiyo qorshe ay dadkaasi ku maaraynayaan nolol maalmeedkooda

2.      In goobo ku haboon ganacsigooda loo diyaariyo

 

 

3.      In loo tudho danta danyarta ah lagana fiirasado faaiidada iyo qasaaraha uu hawlgalkani yeelan karo

4.      Waa in Dawlada Hoose ay u celiso wixii hanta ay ka burburisay xiligii hawlgalkani socday.

Xisbigu waxa kale oo uu u soo jeedinayaa Dadka danyarta ah ee wadooyinka ku ganacsan jiray:

1.      In ay si buuxda u ilaaliyaan nabad gelyada

2.      Inay u hogaansamaan  Dawlada haddii loo dejiyo qorshe macquul ah oo ku haboon arinkooda.

ALLA                                                MAHAD                                             LEH

Ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga ahna Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga UCID

Md, Aadan Jaamac Hoorri

Saxeex:___________

 

SDN, Hargeisa Somaliland

Said8090@gmail.com

Comments are closed