Somalida Cape Town oo lacago madax furasho ah u ururiyay qoys ay qafaasheen Burcad-badeed Soomaali ah
Cape Town Mar 05,2012(SDN)-Soomaalida ku nool magaalada Cape Town ee dalka Konfur Africa ayaa dhawaan ka qeyb qaatay lacago loo ururinay qoys magaaladaas ku nool oo eheladooda ay Burcad Soomaali ahi Qafaalatay.
Soomaalida ayaa lacago ay iska ururiyeen waxa ay guddoonsiiyeen Gabadh la dhalatay qoys ay Burcadu ka qafaalatay xeebaha Tanzania sanad iyo badh ka hor.
Burcada ayaa dalbatay madaxfursho hal million oo dollar ah si ay u sii daayaan doonta iyo labada ruux ee lamaanaha ah ee la socda.
Lama shaacin cadadka lacagaha Soomaalidu guddoonsiisay ehelada la heysteyaasha waxase si weyn u soo dhaweeyay dadka reer South Africa sida ay Soomaalidu isu xilqaantay.
Dhawaana waxa Soomaalida reer Cape Town ay iska duubeen Fariimo ay u dirayaan Burcada Soomaalida ah ee qoyskan reer Durban heysata si ay u sii daayaan.
Vera Hecht ayaa saxaafada dalkaas u sheegatay in ay aad ugu faraxday in Soomaalidu ay gacan ka geysaneyso sdiii walaalkeed iyo xaaskiisa loo sii deyn lahaa.
Talaabadan ayaa horseed ka noqon karta isu soo dhaweynta Soomaalida iyo bulshada ay la nool yihiin ee reer Konfur Africa.
SDN-Cape Town
contact@somalidiasporanews.com