Xafiiska Madaxtooyada u qaabilsan Samofalka oo raashin u qeybiyay dan yar reer Hargeysa ah
Hargeysa Mar 04,2012(SDN)-Xafiiska Samo falka Madaxtooyada ayaa Maanta deeq raashin ah u qaybiyay qaar ka mid ah dadka danyarta ah ee Ku nool xaafadaha Maxamed Mooge,Ayaxa iyo State Houska ee caasimada hargaysa .
Deeqdan raashinka ah ayaa isugu jirtay Bariis,Sonkor,Daqiiq,Sareen,Saliid,iyo Caano.
Maareeyaha Xafiiska Samo falka Madaxtooyada Aamina Maxamud Diiriye oo Gudoonsiinta deeqdaasi qoysaskii loogu talo galay ka hadashay ayaa tilmaantay wax tarka balaadhan ee ay u yeelan qoysaskan danyarta ah iyadoo u mahadcelisay hay’adii deeqdan soo gaadhsiisay.
Maareeyuhu waxa ay sheegtay in xafiiskeeda oo hoos taga Madaxtooyada waajibaadka laga rabo ay tahay sidii uu deeqaha dalka lagu soo caawiyo u gaadhsiin lahaa bulshada u baahan.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadashay mas’uuliyiinta hay’ada wadaniga ah ee SIWO oo iyagu deeqdan bixiyay.
SDN-Hargeysa