|

Wasiirka Maaliyada oo xog-waran siiyay Golaha Wakiillada

Hargeysa, 04, March 2O12 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa maanta xog-waran la xidhiidha miisaaniyada qaranka ee sannadka 2012-ka siiyay Golaha Wakiillada Somaliland.

Fadhigii maanta oo uu shirguddoominayay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayay Mudanayaashu warbixin kaga dhegaysteen Wasiirka Maaliyada oo faahfaahin ka bixiyay korodhka sannadkan ee miisaaniyada, isagoo xusay inay ku dedaaleen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen cashuurta bariga oo uu tilmaamay inay tahay dakhliga ugu badan ee dalka soo gala.

Wasiirka Maaliyadu waxa uu sheegay in qorshayaashooda ugu waawayn ay ka mid tahay sidii ay shaqaalaha iyo ciidamada qaranka ugu kordhin lahayeen markale mushaharka. “Waxaanu kordhinay dakhli soo saarkii, waxaanu samaynay diiwaangelin. Dhibaatooyinka yaallay waxa ka mid ahaa shaqaalaha iyo ciidamada oo mushahar aad u yar qaata, waxaananu isla qaadanay in ciidamada iyo shaqaalaha ahmiyad wayn la siiyo, markaa waxaanu kordhinay mushaharkii 100%, inkastoo aanu wali ku filnayn, insha allah waxaanu samayn doonaan kaabis miisaaniyadeed sannadka badhkii haddii ay noo suurogasho si ciidamada iyo shaqaalaha loogu kordhiyo mushaharka.” ayuu yidhi Wasiirku Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Waxa kale oo uu Wasiirka Maaliyadu sheegay inay waxyaabaha ay qabteen ka mid yihiin dugsiyada hoose dhexe oo ay lacag la’aan ka dhigeen.

Sidoo kale Xisaabiyaha Guud ee Qaran Maxamed Cabdi Bade ayaa isaguna tafaasiil ka bixiyay heerarkii ay soo martay miisaaniyada korodhkeedu intii Xukuumadda cusubi jirtay waxaanu tilmaamay in sannad kasta ay wax ku kordheen sannadki u dambeeyay ay odoroska miiyasaaniyadu ay korodhay 21%.

Agaasimaha Guud Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Maaliyada ayaa isaguna faahfaahin ka bixyay mashaariicda horumarineed ee kui jira miisaaniyada. Isagoo xusay in hay’adihii madaxa banaanaa dhamaantood ay miisaaniyadoodu la socoto sannadka, sida madbacada qaranka wakaaladaha Biyaha, dekeda iyo wakaaladaha korontada.

Ugu dambayntii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa mudanayaasha ku wargeliyay in maalin kale ay su’aalaha la xidhiidha miisaaniyad sannadeedka 2012-ka waydiin doonaan Wasiirka.

SDN, Hargeisa Somaliland                             

Said8090@gmail.com

Comments are closed