Gabadh UK u dhalatay oo noqotay Haweeneydii u horeysay ee Argegixisada ku biirtay
Nairobi Mar 04,2012(SDN)-Ciidamda amaanka ee dalka Kenya ayaa laga soo xigtay in ay baadi goobayaan Haweeney u dhalatay dalka Britain oo ay la xidhiidhinayaan nin ay dhawaan ku qabteen magaalada Mombasa oo lagu qabtay walxaha qarxa.
Haweeneydan oo la yidhaahdo Samantha Lewthwaite oo 28 jir ah oo ayaa iyada 14 jir ah qaadatay diinta Islamka waxaney aheyd xaaska nin hore lug ugu lahaa qaraxyadii London ka dhacay 2007dii.
Haweeneydaa iyo nin kale oo isna British ah ayay boliiska Kenya qabaan in ay xidhiidh la leeyihiin nin walxaha qarxa lagu qabtay.
Haweeneydan reer UK ayaa sidata ilaa sadex baasaboor isla amrkaana ay weheliyaan rag xagjiriina ah oo safk horena uga jira dagaalka Jihaad doonka.
Samantjha ayay ciidamada amaanku sheegeen in ay tahay ruuxa maalgelinta ugu qaabilsan Jihaad doonka ka yimi UK.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com