|

Madaxweyne Siilaanyo oo dalka ku soo laabtay, kana warbixiyay natiijada socdaalkiisa

Hargeysa, 03, March 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dalka ku soo laabtay ayaa lagu soo dhaweeyay Madaarka magaalada Hargeysa, ka dib markii uu dhawaan dalka Ingiriiska kaga qaybgalay shir halkaas loogu qabtay dalka Soomaaliya.

Waxaana Madaxweynaha ku soo dhaweeyay madaarka magaalada Hageysa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, shirguddoonka labada gole, madaxda xisbiyada, ururrada siyaasadda iyo salaadiin.

Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee madaarka ayaa sheegay in shirkii Soomaalida ee ay kaga qaybgaleen magaalada London ay ka soo baxeen qodobo muhiim ah Somaliland, waxa kale oo uu tilmaamay Madaxweynuhu in dawladda Ingiriisku u ballan qaaday mucaawino badan. Waxaanu ka mid ahaa hadaladiisii. “Waa laga yaabaa mustaqbalka dambe in Soomaaliya iyo Somaliland ay wada hadlaan, anagu waxaan u haysanaa inaanay ahayn Soomaaliya oo la isku noqonayo, Somaliland oo mar walba qaddiyadeeda goonideeda uga hadlaysa oo siday tahay oo u soo bandhigaysa dunida ciddii kale ee ay is arkaan ayay noqonaysaa, shirarkaa aanu ka qaybgalnay, mudaharaadka la isugu soo baxay, taageeradaa badan ee aanu ka helnay gudaha iyo dibeddaba, waxa noo wehelinayay inaanu aragnay dawladdo badan, shirkaasina caam ahaan waxa uu ahaa shir aad u faa’iido badan, dawladda Ingiriiska oo markii horeba ballan qaaday inaanu is arag gooni ah yeelan doono, iyaguna mucaawinooyin badan oo wax-ka-ool ah ayay ballan-qaadeen, kuwaasoo ay fidin doonaan Somaliland.” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka mid ahaa weftiga Madaxweynaha ayaa isaguna ka warbixiyay kulamo ay la yeesheen wadamada caalamka qaarkood, isagoo tilmaamay inay la kulmeen wadamada Turki, Holland iyo Sychelles, waxa kale oo uu xusay inay dhawaan dalka iman doonaan wefti ka socda dalka Turkiga, kuwaasoo qiimayn doona meelaha ay Somaliland u baahan tahay in laga caawiyo.

SDN, Hargeisa Somaliland

Said8090@gmail.com

 

Comments are closed