|

Maxaad Ka Taqaanaa Taariikh Nololeedkii Isboorti Ee Axmed Saciid Xiir.

Ottawa-Mar-03-03-qurbejoog.com Marka hore waxa mahadnaq leh ILAAHAY (SWTC) iyo xabiibkiisa Rasuulkeena Muhamad(SCW).Waxa aan idiin soo qaadayaa sheeko xiiso badan oo aanu ku soo qaadanayno nin dhaliinyaradii ciyaaraha gobolada oo inooga sheekayn doona waxyaabihii uu uso taagnaa xiligii uu ciyaaraha soomaliya ku jirey. Ninkan oo magaciisa la yidhaaho Axmed saiciid xiir kuna nol Wadanka Canada gaar ahaan magaalada Ottawa mudana deganaa. Axmed siciid wxuu ahaa dhalinyaradii magaalada ceergaabo (Gobolka Sanaag) ku barbaartay, wuxuu nasiib u yeshay inuu ciyaaraha gobolada ka qayb galo isagoo magaaladiisa u ciyaaraya ee ceerrgaabo.Sanadku markuu ahaa 1979 ayaa isagoo markaa dugisaga sare galay waxa loo qaatay inuu waaya aragnimo u raaco ciyaaraha, waana safarkii ugu horeeyey ee uu magaaladaiisa uga baxo. Axmed waalidkiisu iyagoo ka walaacsan wiilkooda yar ee safarka dheer ugu baxaya dhul dheer, hadana waxay ku qanceen mar hadii Dawladu ay masuul ka qaaday in wiilkooda uu gudanayo waajibkii ka saarnaa bulshadiisa isagoo metelaya gobolkiisa. Axmed markaan dareenkiisa gaar ahaaned milicsano waxa ku jirey cabsi taas oo ah in aanu isu arkayn masuuliyada inuu ka soo bixi karo sababtoo ah way ku weyneyd in gobolkiisa guulo usoo hoyn karo isagoo da’ a ahaana aad u yaraa, hasee ahaatee xiisaha uu ciyaaraha u hayn jirey iyo isagoo ku taami jirey inuu maruun gobolkiisa guul usoo hooyo ayaay niyadiisu ku degtey. Axmed waxa uu inoo ifinayaa qaybta laxaad leh ee bulshadu ku lahayd ciyaaraha taas oo isagaa ilaa maanta aanu ilaawi karin waxayaabihii isaga gaar ahaan u taabatay. D awladu waxay biloday in bulshada is dhex gasho kadib ciyaartoyda halkii berigii hore meelo gaar ah lagu dejin jirey in hada xaafado lagu dejiyo reerona loo geeyo marka hadba magaalo lagu qabanayo waxaana ay bilabantay siduu filayo 1982. AXMED markaa waxa uu nasiib u yeeshay in Hargeysa lagu qabto ciyaaraha waqtigaa isagoo markaa reer aanu weligii arag lagu dejiyey, reerkaas oo degenaa laanta hawada meesha la yidhahdo ee hargeysa ku taal, Axmed reerkii wuxuu kal kulmay wax aanu filayn oo sida ilmohooda ay ula dhaqmaan welibana xil gaar ah iska saaraan, reerkaas oo anu weliba ku tilmaami karin reer aan maaliayd badnayn lahayn aqal aad u weyna ku jirin hada wixii ay haysteen waxba kalamay hadhin. Reerkaas axmed marnaba kuma qaloon waxaany tuseen kalsooni aanu ku dareemin inuu marti ku yahay reerka wiilookdana uu la mid yahay. AXMED wuxuu ciyaari jire kubada koleyga iyo laliska( BASKETBALL AND VOLLEY BALLL), wxuu xasuustaa habeen isagoo garoonka kubada ku jire ee timacade garonkaas oo ah markii ugu horeysey ee la furay labada kooxood ee lagu furayna ay ahaayeen Hargeysa iyo Ceergaabo ayaa isagoo kubada koleygaciyaara ayuu damcay inuu kubadii dhaliyo nasiib darose inuu dhaliyo iska daaye wuxuu la waayey boodhkii dhamaa, kadib ayaa reer hargeysa ku oriyeen iyagoo ku dhawaaqaya ” weershe, weershe, ama kii cawarnaa” hadba sida loo yaqaan. Axmed reerkii uu ladagaa oo inankooda ahaa ayaa dagaal kula kacay dadkii axmed ku qaylinayey ee kubada daawanyey, arrinkaasi axmed waxay gelisey dareen aad u qiimo badan isagoo ogaadey in rerkani yihiin waalidkiis iyo walaalihii oo kale iyadoo, marka gobolada isa soo reebaan  aya xamar ama muqdisho wareega labaad la isugu iman jirey, kadibna sidii caadadu noqotay in xaafado iyo reero loo qaybiyo.Gobolka sanaag ama reer ceergaabo intii badnayd waxa lagu dejin jirey xaafada kaaran iyadoo axmed weliba dhaqankaasi ku adkaa wana markii u horeysey uu magaalo aad u weyn yimaado isagoo ka yimi magaalo yar, hadana waxa axmed niyad wanaag gelisey reerki lagu dejiyey xaafada kaaraan iyagoo ula dhaqmay waxaaybah ila hada axmed aanu ilaawi karin waxa ka mid ahaa hadaladii ugu horeeyey uu ka maqalay reekaa oo ka mid ahaa “ igaarkey soo dhowow inta soo roogso minanku minankaagii waaye” axmed isagoo la ayaaban hadana wuxuu u qaatay in rerku ay u jeedaan wiilkayagoo kala tahay xusuustaas oo siisay reerkii hore ee hargeysa oo kale, taas oo markii dambe ogadey inay taahy aqalku waa aqalkaagii oo kale marti ha noqon.Axmed waxayaabaha ilaa hada maskaxdiisa aan ka bixin waxa ka mid ahaa in axmed reerahaas uu noqday wiilkoodii oo kale oo markii dambe markuu fasax ku yimaado xamar uu reerkii uu la deganaa ku degi jirey isagoo ka mid noqday wiilkoodii oo kale taas o ku beertay kalgacayl iyo wanaag iyo waxaaybihii u ciyaaraha ka dhaxlay ee faaiidada bulshadu  uleedahay dhalinyarada.waxa klale oo u xasustaa dadka deganaa magaalooyinka ee aslakoodu reer sanaag yahay ayaa mar kasta martiqaad u fudin jirey marka ciyaartoyda reer sanaag ay tagaan .Iyadoo an la soo koobi karin faaiidada bulshadu u leedahay dhalinyarada ciyaaraha hadana waxan hada milicsanayna qaybta kale e siyasadu ku ledahay ciyaaraha.Waxa dhacday in sanadkii 1987 ay kubada cagta isk soo bexen 4 gobol laba  tahay burco iyo hargeysa sida caadadu tahay waxa laysku beegaa A IYO B IYO A IYO B, Waxa dhacday in arrinkasi siyasad galay oo laba gobol oo woqooyi ka soo baxay ay ku adkaatay in la qaadan waayo kadibna xerkii ciyaaraha u yaaley la bedelo si labadaa gobol midkood u hadho arrinkaasi, waxa kale oo axmed gaar ahaan dhaco ku dhacday uu arkay in isla sanadkaa isagoo gobolkiisa uu jeclaa wa Sanaage u ciyaraha ay kubada laliska( volley ball) ay xamar yimaadeen kadibna sadexdii kooxood ee ku soo beegnaa wareega hore ay ka adkaadeen iyadii banaadir ku jirto goboladaa, waxaana axmed kxxdiisu ku hogaaminaysey gobolodada dalka oo dhan 6 dhibcood, markii wareegii labaad loo gudbayey aya waxa reer sanaag ku war heleen wa hadheen markii ay tageen wasaraadii ciyaaraha qabta xidhiidhka kubada laliska ayaa iyadoo wax jawaaba la siin layidhi wa hadheen waxaana koobkii qaaday kooxdii ay ka badiyeen ee Banaadir. axmed gaar ahaan bay u taabatay ila hadana maskaxdiisa kamay bixin isagoo aan weligiiba is lahayn ciyaaruhu siyaasad way geli karaan run ahaantiina calool xumo ayay ku beertay.Taasi waxay dhalisey in xiisadii uu ciyaaraha u hayey ay ka dhimatay axmed ilaa hadana uu is weydiiyo ujeedada laga lahaa, waxaanu isku dayaa inuu arrinkaas si fiican u fahmo nasiib darose ila hada ay ku adkaatay fahamkiisa.  Axmed waxa ku kalifey qoraalkan inuu bulshada soomaalida ku dhiiri geliyo in siyaasada  laga ilaaliyo ciyaaraha  waqti kasta iyo meel kasta gaar ahaana masuuliyiintana uu ku boorinayo arrinkaas. Axmed wuxuu mahadnaq gaar ah u diryaa jaahuur oo isku daya mar kasta inuu maqaalo xiiso badan usoo gudbiyo bulshada soomaliyeed iyo alaadan qiimaha badan ee Qurbojoog.com oo u tafo xaytey busldhada inay ka dhergiyaan wixii ciiyaaro ah ee addunka ka dhaca iyo gaara ahaan ciyaartoyga soomaliyeed meel kastay joogaan.Axmed wuxuu aad ugu mahadnaqayaa intii uu ciyaaraha ku jirey reerihii uu la deganaa oo qiimo badan ugu fadhiya iyo dadkii uu ku bartay waqtigaa  iyo masuuliyiintii goblokiisa ee kaxayn jirtey ciyaaraha, wuxuu kaloo aad ugu mahadnaqayaa bulshada soomaliyeed oo mar kasta jecel inay ciyaaraha hore u mariyaan niyad wanagsana dhalinyarada soomaliiyeed ugu horseedaan horumarinta ciyaaraha.Axmed wuxuu ka cudur daaranyaa wxii qalad ah ee ku jira qoraalkiisa wxuuna diyaar u yahay in la saxo. ILAAH BAA MAHAD LEH sayidahmed@hotmail.ca axmed siciid xiir Ottawa

Comments are closed