Warbixin:Dawlada Soomaaliya oo 58 million soo gashay, million qudhana adeegyo ku fulisay
Nairobi Mar 03,2012(SDN)-Dawlada KMG ah Soomaaliya ayaa xili shacabkeedu u le’anayeen gaajo ayay hal million oo qudha ku bixisay gargaar,iyada oo sanadkaasi u xadhootay aduun ka badan $58 million dollar,sidaana waxa lagu xusay warbixin uu qoray sarkaal dawladu hore ugu xil saartay hanti dhawrka.
Dawlada KMG ah ayaa gebi ahaanba beenisay xogta ku xusan warbixintan sawirka ka bixineysa habka iyo hanaanka lagu lusado lacagaha faraha badan ee dawlada u soo xarooda.
Cabdirizaq Fartaag oo ahaa madaxii hore ee Hanti dhawrka dawlada oo qoray warbixintan ayaa sheegay in sanadkii hore ay dawlada u soo xarootay $58 million oo 20 ka mid ahi ay canshuur ahaan ugu soo xadhootay,3.7 milliona lagu qabtay garoonka Muqdisho tiyoo ku socota Burcad-badeed,halka $34 million oo dollar ay deeq ahaan u bixiyeen dawladaha Carabta.
Warbixinta waxa lagu sheegay in $41 million oo dollar oo ka mida miisaaniyada ay la baxeen siyaasiyiin iyo hogaamiye kooxeedyo aan la cadeyn cida ay yihiin,lacagta ineeda badan waxa lagu qaatay cadaan ama (Cash).
Sidoo kale qeyb yar oo ka mida $58 million ayaa lagu bixiyay mushaharo iyo kharashaad kale oo dawladeed,halka gargaar loogu siiyay shacabkii gaajadu madhisay hal million oo dollar oo qudha.
“Wax walba waxa lagu bixiyaa lacag cadaan ah iyada oo aan la xisaabin,wax shaqeynaa ma jiraan,nidaamkuna mid shandad uu lagu wato,waana sababtaa ta aaney dawladu u bixin karin adeegyada ay ka midka yihiin Biyaha,Caafimaadka iyo Waxbarashada”ayuu yidhi Fartaag.
Shirkii dhawaanta lagu qabtay dalka Britain ee looga hadlayay arimaha Soomaaliya ayaa la iskula qaatay in la sameeyo guddi maareeya dushana kala socda maaliyada Soomaaliya.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com