Nin reer New York ah oo xabsi dheer ku muteystay in uu doonayay in uu ku biiro Al Shabaab
New York Mar 03,2012(SDN)-Maxkamad ku taal Mareykanka ayaa xabsi dheer ku riday nin lagu soo eedeeyay in u damacsana ain uu ku biiro kooxaha xagjirka ee Al Shabaana ka midka tahay si markaa uu ula dagaalamo ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalalka Islaamka.
Xaakimka Maxkamada Sare ee Mareykanka John Gleeson ayaa danbiile Betim Kaziu ku riday xukun 27 sanadooda,halka ay xeer ilaaliyeyaashu dalbanayeen in xabsi daaim lagu xukumo.
Kaziu oo ah muwaadin Mareykan ah ayaa laga soo qabtay Kosovo 2009kii kiyoo damacsan in uu u socdaalo  Qaahira ka dibna uu ku biiro kooxda Al Shabaab.
Ninkan oo uu ku marqaati furay nin ay saaxiibo ahaayeen ilaa caruurnimadoodii oo la yidhaahdo Sulejah Hadzovic ayaa sheegay in uu saaxiibkii ka dhaadhiciyay in ay u aar gudaan Musiliimnta uu Mareykanku ku xasuuqayo dunida Islamka.
Markhaati furaha ayaa sheegay in saaxiibkii uu xidhiidho la sameeyay kooxo xagjiriin ah oo reer galbeedka dagaal kula Jira oo uu ka mid ahaa Osama Bin Laden.
Ragan ayaa doonayay in ay tabaro la soo qaataan kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada KMG ah ee Soomaaliya.
SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com