Iraan oo looga dareeray doorashooyinkii Baarlamaanka
Tehran Mar 02,2012(SDN)-Codbixiyaasha wadanka Iraan ayaa ka qayb qaadanaya doorashooyin lagu soo dooranaayo 290 xubnood oo ka mid noqonaya golaha barlamaanka ee wadankaasi Iraan.
Doorashadani ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee wadankaasi ka dhacda tan iyo sanadkii 2009-lii xiligaasi oo dalkaasi ay ka dhacday doorashadii xaga madaxtiniumada ee lagu soo doortay madaxweyne Maxamuud Axmed Najaad, taasi oo ay mucaaridku ku tilmaameen in uu ku shubtay Mr. Najaad.
Doorashadani ayaa si weyn loogu arkaa in ay tahay loolan u dhaxeeya taagerayaasha Mr. Najaad iyo kuwa hogaamiyaha dhinaca diinta ee wadankaasi Ayatollah Ali Khamenei.
Mucaaridka loo yaqaano Green Movement ayaa ka qayb galeyn doorashadani dalkaasi ka socota maanta oo Jimce ah, waxaana arintaasi sabab u ah hogaamiyaasha mucaaridkja ee xarakada cagaaran ayaa muddo sanad ka badan ku jira xabsi guri.
Mar sii horaysay ayaa telefiishanka wadankaasi laga baahiyey Ayatollah Ali Khamenei, oo hadal u jeedinaya dad codkooda ka dhiibanaayey magaalada Tehraan.
Dad gaadhaya 48 Milyan oo ruuc ayaa xaq u leh in ay codkooda dhiibtaan.
Saraakiisha xukuumada ayaa dadka ku dhiiri galiyey in ay si weyn ugu soo baxaan goobaha codbixinta , sababtoo ah ayeey yidhaahdeen hadii tiro yar oo dad ahi u soo baxaan codbixinta in taasi ay quwade shisheeye ay ku dhiiri galin doonto in ay duulaan kusoo qaadaan Iraan.
SDN-Tehran