|

Ururka Bisha Cas oo sheegay in ay gargaar gaadhsiiyeen Homs

Homs Mar 02,2012(SDN)-Madaxa ururka bisha-cas ee wadanka Suuriya ayaa xaqiijiyey kolonyo gaadiid ah oo sida sahay gargaar ahi in ay gaadheen magaalada dagaalada ku burburtay ee Xumis.

Gaadiidkaasi  gargaarka sida oo ay iska kaashadeen bisha cas ee Suuriya iyo hay,adda caalamiga ah ee Laanqayrta- Cas   ayaa iskugu jiray 4 gaadhi moo kuwa xamuulka qaada ah iyo shan gaadhi oo ah nooca looyaqaano Ambalaaska, waxaana loogu talo galay soo qaadan dadka dhaawaca qaba ee yaala degmada Baabal-Camar ,ee magaalada Xumis kutaala ,halkaasi oo xoogaga dagaalyahanada ee kasoo horjeeda xukunka madaxweyne Assad ay iskaga baxeen.

 

Geesta kale , madaxweynaha Faransiiska ayaa ku dhawaaqay in ay xidhayaan safaaradii ay ku lahaayeen magaalada Dimishiq.

Dhinaca kalena  raysal wasaaraha Ruushka Vladimir Putin  ayaa sheegay in aanu garaneyn madaxweynaha Suuriya Bashaar al-Assad inuu awoodi karaayo , inuu waxkaqabto oo u ka gudboxiisada ka aloosan Suuriya,

Mr.Putin waxaa uu intaasi ku daray isagoo sheegay Suuriya iyo Ruushku in aanu ka dhaxaynin cilaaqaad gaar ahi.  Arintaasi ayaa lagu tilmaamay  in ay tahay isbedel weyn oo ku yimid mawqifkii Ruushka ee xiisada ka taagan Suuriya.

 SDN-Homs

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed