Ciidamada Syeria oo mucaaridkii hubeysnaa ka saaray Homs
Homs Mar 02,2012(SDN)-Ciidamada dalka Syria ee afarta todobaad duqeynta ba’an ku hayay Homs ayaa maanta gebi ka saaray magaaladaas ciidaamo mucaarid ah oo halkaa fadhiisin ka dhigtay.
Xukuumada Bashar Al Asad ayaa guushaa dabadeed u ogolaaday heyada Laanqeyrta cas in ay gasho guddaha Baba Camar oo ah halka dagaalada intooda badani ay ka dheceen.
sidoo kale Gollaha amaanka ayaa isku raacay in xukuumada Syria ay dalkeeda u ogolaato madaxa QM u qaabilsan arimaha xuquuqul insaanka Valery Amos.
Mucaaridka ayaa sheegay in Homs isga baxeen dagaalkoodana ay u rogen ku dhufo oo ka dhaqaaq.
Ma cada waxa caalamku ka yeelayo qalalaasaha dalkaasi ka jiray mudo sanad ah haatan.
SDN-Homs