Gollaha Xuquuql Insaanka ee QM oo canbaareeyay Xukuumada Syria
Geneva Mar 01,2012(SDN)-Golaha xuquuqal insaanka qaramada midoobay ayaa ansixiyey qaraar canbaaraynaya dalka Suuriya dagaalka ay kula jirto dadkeeda iyo in gargaar la gaadhsiyo dadka tabaalaysan inay ogolaato .
Ansixinta qaraarkan oo ka dhacay xarunta golahaasi ee Geneva, ayaa ah qaraar loogu tala galay in cadaadis lagu saaro Suuriya , waxaana qaraarkan ogolaaday oo ansixiyey shan iyo sodon dal .
Mr. Kofi Anan oo isna loo doortay wakiilka cusub ee Suuriya ayaa isna isu diyaarinaya in socdaal ku tago magaakada Dimishiq ee caasimada dalka Suuriya.
Mr. Anan , waxa uu soo jeediyey in loo baahana yahay in ay aduunku hal cod keliya ku wajahaan xal u raadinta dhiibaatada ka taagan
SDN-Geneva