|

Hawlgalkii Dawladda Hoose oo galaaftay Dhir badan oo manaafacaad leh yo Masuuliyiin Wasaaradda Deegaanka oo cambaareeyay arrintaas

Hargeysa, 01, March 2012 (SDN)- Masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland ayaa cambaareeyay hawlgal ay Dawladda Hoose ee Hargeysa ku gumaaday dhir badan oo ku yaallay badhtamaha Caasimadda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Maxamed Faarax Xirsi oo manta Warbaahinta qaarkeed kula hadlay xafiiskiisa ayaa adag ku naqdiyay hawlgal ay maalmihii u dambeeyay Dawladda Hoose ee Hargeysa ka waday wadada hawlbawlaha u ah Caasimadda Hargeysa, waxaanu sheegay Agaasimuhu in hawlgalkaasi uu si sabab la’aan ah uu u galaaftay dhir badan oo manaafacaad leh, isla markaana waxa uu tilmaamay inaanay Dawladda Hoose soo ogeysiin jarista dhistaas.

Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa shalay bilawday hawlgal ay ku banaynayso hareeraha wadada wayn ee badhtamaha magaalada Hargeysa, hawlgalkaas oo isla shalay markii la bilaabay galaaftay hal qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen tiro kale oo dad ah, halka maantana uu sababay jarista dhir badan oo nooca loo yaqaan Galoolka, kuwaasoo ku yaallay wajahada hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Agaasime Maxamed Faarax Xirsi waxa uu si adag u sheegay inay maxkamad la tiigsan doonaan ciddii fulisay falkaasa haddii uu masuul yahay iyo haddii uu cid kale yahayba.

“Hawl baa ka socdota magaalada Hargeysa, taasoo la xidhiidha bilicda magaalada oo guddi loo saaray si ay wax uga qabato. Anagu wasaaradda Deegaanka ayaanu nahay shaqadayaduna waxa weeye geedka nool ama magaalo haku yaalo ama miyi haku yaalee inaanu masuul ka nahay ilaalintiisa iyo daryeelkiisa, sharcina wuu ka yaallaa ay goleyaasha iyo Madaxweynuhuba nasixiyeen, markaa saaka waxaan soo maray wadadda Cusbitaalka hor marta oo dhir faro badan oo aan wasaarad ahaan la horkeenin sharci lagu jaray, geedku bilicda magaalada isaga ayaa kaw ka ah, dhirta la jarayna waa dhirta cimrigoodu dheer yahay eek u kora 40 ilaa 50 sanno,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud, waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata. “Markaa in geedka bilicda magaalada ahaa la gooyo, wasaarad ahaana aanaan ogayn, markaa anagu wasaarad ahaan waxaanu qabnaa haddii inanka cagafta wadayna isagu jaray in sharciga la horgeeyo, haddii cid masuul ahi ay amarkaa bixisayna sharci ayaa ka yaalla dhirta goynteeda. Haddii aan la qaban qofka masuulka ah ee geed jara, dadka kale ee miyigana cid qaban kari mayso.”

ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Somaliland.

Waxa kale oo iyaguna falkaas ka hadlay Agaasime waaxeedyada Qorsheynta iyo Dhirta iyo Daaqa, waxaanay si wadajir ah u sheegeen inay sharciga la tiigsanayaan ciddii hawshaas fullisay.

SDN, Hargeysa Somaliland

Said8090@gmail.com

Comments are closed