Mudanayaasha Guurtida oo ka doodday Siyaasadda Arrimaha Gudaha iyo Dibedda
Hargeysa, 28, February 2012 (SDN)- Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa gudagalay doodad Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo Gudaha.
Fadhigii maanta oo uu shirguddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golahaas Sh. Axmed Nuux Furre ayay Mudanayaashu kaga hadleen aragtidooda ku wajahan Siyaasadda Arrimaha Guddaha iyo Dibedda.
Waxay Xildhibaannadu si isku mid ah u soo dhaweeyeen ka qaybgalkii Somaliland ee Shirkii dhawaan Soomaalida loogu qabtay magaalada London, isla markaana waxay ku tilmaameen qodobadii ka soo baxay Shirkaas qaar guul u ah Somaliland.
Dhinaca kale, waxay Xildhibaannada Guurtidu sheegeen inay u qorshaysan tahay in Wasiirka Arrimaha Guduhu uu Golaha horyimaado, si ay wax uga waydiiyaan halka ay marayaan xaaladaha nabadgelyo ee Deegaannada bariga iyo galbeedka Somaliland, kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyay ay ka taagnaayeen xaalado colaadeed.
Fadhiyada soo socda ee Golaha Guurtida ayaa la filayaa inay horyimaadaan masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, isla markaana ay ka xogwareysan doonaan xaaladaha guud ee dalka.
SDN, Hargeisa Somaliland