|

Banaabaxyaashii Somaliland oo Fariin cad u diray beesha caalamka Iyo Cadowga Somaliland oo Ciil la Caraabay!!

Marka hore waxaan halkan ka salamaya somalidiasporanews oo runtii hawl warbaahineed oo balaadhan u haysa bulshada somaliland meelkasta oo ay jooganba.

Inta ka dib, waxaan halkan doonayaa inaan laba erey ka idhaahdo oo hambalyeeyo banaabaxayaashii reer somaliland ee wacdaraha lama ilaaban ka ah ka dhigay afaafka hore ee No 10 downing street oo ah goobta looga arimiyo wadanka Uk, halkaas oo ay ku muujiyeen dareenkooda wadaninimo ee ay ku mujinayan himilada shacabka somaliland iyo in beesha caalamka ee ka soo qeyb galaysa shirweynihii 23 feb, 2012 ee looga arrinsanayay arrimaha murugsan ee koonfurta somaliya u soo bandhigan inay somaliland tahay dal madaxbanaan oo dhamaystiray shuruudihii wadan looga baahana sida darteedna loo aqoonsado dawlad madaxbanaan.

Haddba, shacabka somaliland mucaarid iyo muxaafidba iyaga oo gacmaha is haysta waxay cod dheer u direen fariin cad beesha caalamka, waxaana dawlada Uk iyo dawladihii ka qeyb galayba arkeen xaqiiqda dhabta ah iyo dhawaaqa shacabka somaliland, taas na waxaad ka garan karta sida somaliland mar hore iyo danbeyso ba looga dhex saaray arrimaha cakiran ee koonfurta somalia ee cadowga somaliland mar walba uga faaiideysan jiray inay ku dhex milaan madaama somaliland cid metesha joogin goobta lagu gorfeynayo arrimaha is huwan ee Somalia wixii la isku odhan jiray ( Somaliland & the rest of somalia) iyo habka & hanaanka loo maamusay shirka London madaxda somaliland ee hogaaminayay Ahmed siilaanyo.

Anyway, Banbaxyaashii somaliland waxay muujiyeen cudud iyo xooga ay ku leeyihiin wadanka Uk iyo wadamada ay jooganba ee ay dibadbaxayada ka dhigeen, sida dalka. Canada magaalo madaxdiiisa .Ottawa  taas oo ay dadwaynaha ku dhaqan magalada Ottawa ay runtii mujiyeen inay marwalba hiil yo hooba lagarabtaaganyihiin dalkooda iyo shacabkoodaba  waxanaan hablayo gaara u dirayaa shacbiwaynaha somaliland ee uk iyo shacbiwaynaha somaliland ee Canada gaar ahaan Ottawa iyo dhamaan wadamo badan oo ay ku noolyihiin qurbajooga somaliland waxayna dhirbaaxo ku dhufteen cadowga somaliland ee midabyada badan ee qori is mariska ah ee habeen iyo maalin u taagan hagardaamada shacabka xalaasha ah ee reer somaliland, cadowgaas somaliland ee noocyada badan oo beryahanba ku mashquulsana jilaafooyinka somaliland iyo qoraalada been abuurka ah ee xafiisyada beesha caalamka ay habeen iyo maalin la hor taagan yihiin ee Khaatumo seeg iyo hadhaagii faqashtu ay u horeeyan oo banaabaxyaashii somaliland buufiyeen sidii dulinka Arbacadii 22 february 2012, oo ah maalin ku suntan quluubta bulshoweynta Somaliland meel kasta oo ay jooganba.

Guntii iyo Gebogabadii, Dadka iyo dawlada somaliland waxa ku waajib ah in talaabooyin  culus loo galo sidii loo meel marin lahaa himilada ummada somaliland oo aynu ciyaar kasta ciil ku caraabino cadowga somaliland noocu doono ha ahaado meel kasta iyo goob kastaba ay jogaanba waxaan leeyahay guul iyo gobanimo  waxaa wax lagu farxo ah oo cadawgii somalilandna afkiiba juuqda gabay kaga dhigay hadalkii oo maddaxwaynaha somaliland ka jeediyey shirkii london kaas oo ahaa mid soo jiitay dhamaan shacbiwaynaha somaliland dhiiri galinwayna u noqday  tariikhdu iyadaa isqorta  waxaynu wada sugnaaba waa aqoonsigii somaliland oo shaashada inoo saaran  somaliland guul shacbiga somaliland guul .
by: Mohamed Ahmed Cige (mohamed case)
ahmed_farah43@yahoo.ca
Ottawa Canada

Comments are closed