|

Xaalada Syria oo ka sii dareysa iyo xukuumada oo sheegtay in dastuurkii dalkaa la ansixiyay

Dimishiq Feb 28,2012(SDN)-Ciidamada Wadanka Suuriya ayaa sii wada duqaynta ay ku hayaan dhulka ay gacanta ku hayaan Mucaaridka ka soo hor jeeda ee deegaanada xaga waqooyi galbeed ku yaala Idlib.

Wariyayaasha ayaa sheegaya in Ciidamada Xukuumadu ay hubka culus ee milateriga iyo lidka diyaaradaha ay ku garaaceen mandaqada ay dadka rayidka ahi ku nool yihiin ee Binnish, taas oo ku taala dhinaca galbeed ee Idlib.

Sidoo kale Magaalada Xumis ayay ciidamada dawladu ka sii wadeen duqaynta socotay mudada afarta todobaad ah.

Geesta kale wararka ka soo baxaya dhinaca mucaaridka ayaa lagu sheegay in tiro ka badan 50 ruux inay ku dhinteen duqayntii Shalay loo gaystay Magaalooyinka Xamaa,Riifu-dimishiq,Derca, iyo Xumis.

Dhinaca kalena wasiirada arrimaha dibada ee dalalka midowga yurub ayaa kulan ay Maanta ku yeesheen magaalada Burusalis ayaa sheegay inay cuno qabatayn kale oo ka dhan ah maamulka bashaar al asad ay ku soo rogeen ,kaas oo ay sabab ugu dhigeen dagaalada sii socda ee ciidamada dawladu ku hayaan dadka rayidka ah, qodobada cuna qabataynta cusub ayaa waxaa ka mid ah Xayiraad lagu soo rogay hantida maamulka suuriya u taala baanka dhexe ee Yurub isla markaana la joojiyo Ganacsiga, Macdanaha wadanka suuriya.

Intaa oo idil waxa barbar socdey codeyn loo qaadayay Dastuur cusub oo dalkaasi yeelanayo,oo mucaaridka iyo reer galbeedkuba ka biyo diideen.

Natiijo horu dhaca oo ay shacisay xukuumada Syria ayaa lagu sheegay in shacabka dalkaasi si weyn ugu codeeyeen Dastuurka cusub.

SDN-Dimishiq

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed