Xiisad ka dhalatay xil kala wareejintii madaxda Yemen
Sanca Feb 28,2012(SDN)-Madaxweynaha Cusub ee Dalka Yemen Cabdu rabuu Maansuur Al Haadi ayaa si rasmi ah xilkii ugala wareegay Madaxweynihii hore ee Wadankaasi Cali Cabdale Saalax kadib markii ay dalkaasi ka dhacday doorasho xor ah.
Xil wareejintan oo ka dhacday Xarunta Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Sanca ayaa Cali Cabdale Saalax waxa uu xilkii hogaaminta dalkaasi si rasmi ah ugu wareejiyay Cabdu rabuu Maansoor Al Haadi oo hore u ahaa Madaxweyne ku xigeenka Wadanka Yemen .
Mudanayaasha Mucaaridka ayaa iyagu qaadacay ka qayb galka xafladaas oo ay ku sababeeyeen in Cali Cabdale Saalax uu munaasibadaas goob jog ka ahaa.
Waxaaney ku adkeysanayaan in maxkamad la soo taago Cabdala Saalax si loogu qaado denbiyo biniaadamka ka dhan ah oo uu geystay mudadii 30ka sanadoo aheyd ee uu dalka ka amar ku taagleynayay.
Dad ku dhow dhow Cali Cabdale Saalax ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Yemen uu ku noolaan doono dalka dibadiisa .
SDN-Sanca