|

Daraasad lagu sameeyay Qorshaha Magac bedelka iyo Ansixinta Xaafadaha iyo Wadooyinka Caasimada Hargeysa oo la soo afjaray

Hargeysa Feb 27,2012(SDN)-Aqoon isweydaarsi mudo laba cisho ah u socday Xildhibaanada Golaha deegaanka ee Caasimada Hargaysa lagagana hadlayay Qorshaha Magac bedelka iyo Ansixinta Xaafadaha iyo Wadooyinka Caasimada ayaa Maanta lagu soo gabo gabeeyay Mount Royal Huteel .

Aqoon isweydaarsigan oo ay iska kaashadeen hay’ada Un Habitat iyo Dawlada Hoose ayaa lagu gorfeeyay hirgelinta barnaamijkan kaas oo ku soo beegmay Kalfadhiga 64 aad ee Golaha deegaanka ee Caasimada Hargasya.

Waxaa halkaasi ka hadlay Injineerka dawlada hoose u qaabilsan nashaqada oo sheegay in qorshahani uu ka turjumayo waxqabadka dawlada hoose ee sannadkan isla markaana taabanaya horumarinta Bilicda Caasimada.

Sidoo kale sarkaal ku hadlayay Magaca hay’ada Un Habitat ayaa sheegay in xildhibaanada golaha deegaanku mudadii labada cisho ahayd ee uu kulankani ay ku falanqeeyeen Magac u bixinta Wadooyinka iyo xaafadaha Caasimada Hargaysa ka kooban tahay isla markaana ay hay’ad ahaan ka gacan siiyeen dawlada hoose hirgelinta himilooyinkan .

Gabo gabadii Duqa Caasimada ahna Gudoomiyaha Golaha deegaanka ee Caasimada Hargaysa Inj Xuseen Maxamud Jiciir ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyay waxa uu ka waramay ujeedada ka danbaysa magac bedelkan taas oo uu ku sheegay mid lagu maamuusayo Halyeeyo Isugu Jira Mujaahidiin, Abwaano,Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin taariikh iyo magac ku leh Qaranka Somaliland .

Duqa caasimadu waxa uu xusay in golaha deegaanku ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen wax ka bedelka Magacyada Xaafadaha iyo Wadooyinka kala duwan ee Lixda degmo ee Caasimada Hargaysa loo kala asteeyay.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed