Mudanayaasha Golaha Guurtida oo loo qaybiyay Xeerar durduro ku soo dhaafay Wakiillada
Hargeysa, 27, February 2012 (SDN)- Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta loo qaybiyay saddex Xeer oo kazoo gudbay Golaha Wakiillada, kuwaasoo kala ah Xeerka Nabadgelyada, Xeerka La-dagaalanka Budhcad-baddeeda iyo Xeerka kala wareejinta Maxaabiista.
Fadhigii maanta oo uu shirguddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golahaas Sheekh Axmed Nuux Furre, waxa kale warbixin ka jeediyay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida, iyagoo ka warramay xogwareysiyo ay la yeesheen Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland.
Mudanayaasha Golaha Wakiillada ayaa Xeerarka La-dagaalanka Budhcad-baddeeda iyo Wareejinta Maxaabiista todobaadkii hore si durduro ah isu soo dhaafiyay, isla markaana waxa ka biyo diiday qaabka loo ansixiyay Xeerarkaas qaar ka mid ah Xildhibaannada Golahaas.
Dhinaca kale, Golaha Guurtida ee maanta Xeerarkan loo qaybiyay ayaa la filayaa inaanay wax badan ka bedelin sidii ay ku soo ansixiyeen Golaha Wakiilladu.
SDN, Hargeisa Somaliland