|

Shabaabka oo shaaciyay Ajaanib ku geeriyooday weerarkii cirka ahaa ee Mareykanku ku qaaday

Muqdisho Feb 27,2012(SDN)-Kooxda Al Shabaab ayaa shaacisay rag ajaanib ahi in ay ku geeriyoodeen weerar dhawaan ay qaadeen duyuurado Mareykan ah oo ah nooca aaney cidi duulin.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay in nin reer Marooco ah oo la yidhahdo Sheekh Abu Ibrahim in uu ka mid ahaa rag dhawr ah oo ku geeriyooday werarkaasi.

Sidoo kale raga ajaanika ahaa ee weerarka Mareykanka ku geeriyooday waxaa ka mid ahaa nin kale oo reer Kenya ahaa oo aan magaciisa la shaacin.

Kooxda Al Shaab ayaa waxa ka mid ah dhawr boqol oo ruux oo ajaanib Jihaad doona oo qeyb ka ah dagaalka ay kooxdaasi kula jirto ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKMG ah.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed