Madaxweynaha Somaliland oo mar uu la hadlay Jaaliyada UK Rajo muujiyay
London Feb 26,2012(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Cadeeyay inuu hubo haddii midnimadaa iyo dareenka wada-jirka ah ee ay bulshada, xisbiyada iyo dawladda Somaliland wada qaateen lagu sii wado in si dhakhso ah loogu guulaysan doono rabitaanka iyo qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee aqoonsiga raacdada ugu jirta.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inay fadhi gaara la yeesheen Baarlamanka dawladda Ingiriiska, isla markaana dhagaysteen su’aalo Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska Mr. David Cameron ay mustaqbalka Somaliland ka weydiiyeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka dalkiisa oo Somaliland saaxiib la ah, Madaxweyne Axmed-Siilaanyo waxa uu hadalkan ka jeediyay Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay xalay isaga iyo Weftigiisu kula kulmeen Jaaliyadda reer Somalilnad ee ku dhaqan Carriga Ingiriiska. Taasoo uu gebo-gababii hadal kooban ka jeediyey.
Madaxweyaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu ka warramay go’aankii laga midaysnaa ee lagu tagay shirka London siduu ku yimi iyo guusha uu u soo hooyey Somaliland, waxa uu Madaxweynuhu Xusay in markii lagu soo casuumay shirkan ay ka yeesheen dood badan oo ay ka qayb qaateen dhamaan Golayaasha Qaranka sida Xukuumada,Baarlamanka, Asxaabta siyaasadda, Ururrada cusub, ururrada bulshada iyo shacabkaba.
Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu sheegay in Taladaas ay ka soo baxday go’aan loo arkay in ka qaybgalka shirka London dani ugu jirto Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu uga mahad celiyay jaaliyada Somaliland ee ku nool dalka Ingiriiska banaan bixii ay ku muujiyeen doonistooda ku aadan in qarankani uu dunnida inteeda kale ka helo Aqoonsiga buuxa
Md. Axmed-Siilaanyo, waxa uu sheegay inay shirka ku qaybiyeen waraaqo qoraal ah oo lagu soo koobay ajandayaasha qorshaha mustaqbal iyo waxyaabaha ay Somaliland qabsatay,Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo mar uu ka hadlay fadhi ay la yeesheen Baarlamanka Ingiriiska, waxaanu xusay in fadhigaas ay Xildhibaanada Uk ee Somaliland Saaxiibka la ahi ay Ra’isal Wasaare David Camaroon arrimo badan oo taabanaya Somaliland iyo waxa ay qabsatay, waxa uu Madaxweynuhu intaas ku daray in Xukuumad,Golayaasha Qaranka iyo Shacbiga Somaliland ay ku jiraan dagaal adag oo ay ugu jiraan Maslaxada qaranka.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu hoosta ka xariiqay inuu ku kalsoon yahay boqolkiiba boqol in haddii midnimadaa iyo dareenka wada-jirka ah ee ay bulshada, xisbiyada iyo dawladda Somaliland wada qaateen lagu sii wado in si dhakhso ah loogu guulaysan doono rabitaanka iyo qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee aqoonsiga raacdada ugu jirta.
Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Wasiirradda arrimaha dibadda, warfaafinta, qorshaynta, Gaashaan-dhiga iyo Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda kuwaasi oo dhammaantood ka waramay ahmiyadda shirkii London u lahaa Somaliland.
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyeyaasha sadexda xisbi qaran iyo xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo wakiiladda waxaanay dhamaantoodba cadeeyeen in garaadka shacbigu uu maanta u bislaaday siyaasada dalka, waxa ay hogaanka xisbiyada cadeeyeen in shirkii 23kii bishan ka dhacay magaalada London uu markii u horaysay sabab u noqday in Somaliland iyo Somalia arrimahooda loo qaybiyo si kala gooni ah isla markaana ka dhigan aqoonsi dublamaasiyadeed, waxaa kale oo ay is dul taageen in Shaqaaqooyinkii ka dhacay deegaanka Buuhoodle ay u marayaan dariiqa wada hadalka iyo isu tanaasulka dhaqanka u ah ummada reer Somaliland.
SDN-London