|

Baanka Aduunka oo Hargeysa ku qabtay shir looga hadlayay horumarinta Ganacsiga gaarka loo leeyahay

Hargeysa Feb 26,2012(SDN)-Shir balaadhan oo lagaga hadlayay horumarinta hantida iyo Ganacsiga gaarka ah ayaa lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa.

Waxaa shirkan soo qaban qaabiyay Baanka adduunka kaas oo horu-dhac u noqon doona mashruuc maalgashi oo baanka adduunku ka fulinayo Somaliland .

Mr Bitar Maushi oo ah madaxa mashruuca horumarinta hantida gaarka ah ee baanka adduunka ayaa ka warbixiyay ujeedada laga leeyahay kobcinta hantida gaarka ah waxaanu tilmaamay inay gacanta ku hayaan lacag gaadhaysa ilaa  Shan Milyan oo dollar,taas oo loogu talo galay ayuu yidhi in kor loogu soo qaado hantiilayaasha amase ganacsatada.

Najiib Xasan Xaashi oo ah Madaxa Mashruucan uu baanka adduunku ka wado Somaliland, iyo Daved Filibis oo halkaasi ka hadlay ayaa ka qayb galayaasha sharax ka siiyay shuruudaha looga baahan yahay qofka hantidiisa kor loo soo qaadayo iyo Nidaamka uu marayaba .

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed