Syria oo maanta looga dareeray cod u qaadida Dastuur cusub oo dalkaasi yeesho
Dimishiq Feb 26,2012(SDN)-Dalka siiriya ayaa maanta albaabada loo furay goobaha Codbixinta aftida loo qaadayo dastuurka cusub ee dalkaasi, iyada oo ay weli dalkaasi ka aloosan yihiin Kacdoonka laga soo hor jeedo maamulka madaxweyne Bashaar al-asad.
Dastuurkan Cusub ee af-tida shacbi loo qaadayaa waxa uu jidaynayaa Doorashada madaxweynaha dalka ,waxaanuu meesha ka saarayaa doorkii hogaamineed ee xisbiga al-bacas ee talada dalkaasi hayey muddo ku siman konton sanadooda.
Cod-bixintan af-tida dastuurka waxa codkooda ka dhiibanaya afar iyo toban malyuun oo qof oo da’doodu ka weyn tahay sided iyo toban jir. Dasturkan cusubi waxa uu bedelayaa dastuurka hadda dalkaasi leeyahay . kaasi oo lagu soo dhaqayey dalkaasi siiriya ilasa 1970kii, ka dib markii uu taladda dalka ku qabsaday Madaxweynihii hore ee geeriyooday ee dalkaasi Xaafid al-asad oo dhalay madaxweynaha hadda dalka ka taliya Bashaar xaafid al-asad.Mucaaridka dalka siiriya ayaa iyagu diiday inay dastuurkan cusub u codeeyaan, iyaga oo ku andacoonaya inuu mac-uun uu yahay.
Af-tidan waxa dastuurka loo qaadayaa iyada oo ay dagaalada xukuumadda iyo mucaaridka u dhexeeyaa ka socdaan badhtamaha iyo woqooyiga dalkaasi, dagaaladaasi oo ay sabtidii oo keliya ay ku dhinteen ilaa boqol qof dad gaadhayaa.
SDN-Dimishiq