|

Xiisadii u dhexeysa Liibiya iyo dalalka ay jaarka yihiin oo sii korodhay

Tripoli Feb 26,2012(SDN)-Hogaamiyaha golaha  ku meel gaadhka ah ee  dalka Liibiya ayaa ku hanjabay in ay dib u eegis ku samayn doonaan cilaaqaadka dalalka Jiiraanka ay yihiin ee  u soo gudbin waaya  taageerayaasha hogaamiyihii la dilay  Mucamar al-qadaafi ee dalalka jiiraanka qaarkood gaboodsanaya.

Mr, Musdafa Cabdil-jaliil  oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimada dalka Liibiya ee Tropuli  waxa uu   xusay in dalalka  qaabilay  taageerayaashii Qadaafi , ee aan  u soo gacan gelin maamulkooda , ay ka qaadan doonaan talaabo ah in ay dib u eegaan cilaaqaadkooda diblumaasiyadeed ee ay dalalkaasi la  leeyihiin

Musdafa cabdil-jaliil waxa  uu  isku xidhay cilaaqaadka dib lumaasiyadeed ee mustaqbalka   ka dhaxaynaaya dalalka jiraanka iyo sidii ay Maamulka Liibiya ka taliya ugala shaqeeyaan , gacana ay ugu siiyaan iinay u soo gacan geliyaan  dadka  tsaageerayaasha  Qadaafi ahaa ee  dalkooda ku sugan. Hase ahaatee Musadafa C/jaliil ma  xadidin dalalka  hadalkiisani  ula jeedo, hase ahaatee waxauu sheegay inay arinkan kala hadleen dalalka afrika iyo carabtaba leh.

Waxaanuu intaa raaciyey in dalalkaasi ay  magan gelyo siiyeen waxa uu ugu eedhay cadowga  Liibiya   ee xaday hantidii    dadka reer liibiya. Waxaanu xusay oo kale in ay hayaan  adilaad  muujinaya in dadkaasi la  magan gelyo siiyey ay  u gaysteen  shacabka  liibiya  dhagaro dagaal.

SDN-Tripoli

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed