Afgaanistaan oo la baadi goobayo sarkaal dil u geystay laba askari oo ka tirsan Ciidamada M areykanka
Kabul Feb 26,2012(SDN)-War ka soo baxay xukuumadda afganistaan ayaa waxa uu sheegayaa in la raadinayo sarkaal ka tirsan sirdoonka dalka afganistaan ,kaasi oo lagu tuhun san yahay inuu ku dilay laba sarkaal oo maraykan ah sabtidii xarunta wasaarada daakhiliga dalka afganistaan ka dibna baxsaday.
Wakaaladda wararka ee France press ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan wasaarada arimaha gudaha afganistaan uu u sheegay, in sarkaal ka tirsan sirdoon-kooda la waayey , loona malaynayo inuu dilay labada sarkaal ee maraykanka ah ee sabtidii lagu dilay xarunta wasaarada daakhiliga ee magaaladda Kabuul, laguna jiro baadi doonkiisa.
Dhinaca kjalena ilaa sagaal qof oo afganistaaniyiin ah ayaa ku dhintay sabtidii shalay gadood soo cusboonaaday maalintii lixaad-na galay oo ay sababtay Kutub qur’aanka kariimka ah oo lagu gubay saldhiga Cirka ee Bagraam ee maraykanku degan yihiin eek u dhow magaalada Kaabuul caasimada dalka af-ganistaan.
Wasiirka gaashaan dhiga dalka maraykanka ayaa ugu baaqay xukuumadda afganistaan in ay wax ka qabato gadooda socda, talaabooyin adag oo lagu ilaalinayo amaanka ciidamada NATO ay qaado ka dib markii lagu dilay gudaha wasaaradda daakhiliga afganistaan sab-tidii laba sarkaal oo maraykana.
SDN-Kabul