|

Xafiiska Jaaliyaddaha Somaliland oo hambalyo u diray Madaxweyne Siilaanyo iyo shacabkii ka qaybgalay mudaharaadkii ka dhacay barxada 10 Down Street

Hargeysa 26, Feb.2012n (Qurbejoog.com)- Xafiiska xidhiidhka jaaliyaddaha dibadda ee Somaliland, ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku hambalyeeyay ka qaybgalkiisa shirkii London ee Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed xafiisku soosaaray, waxa kale oo uu xafiiska xidhiidhka jaaliyadduhu hambalyo u diray shacabkii ka qaybqaatay isu-soo-baxii laga hor sameeyay xafiiska Raysal-wasaaraha UK ee 10 Down Street, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan; “Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha Somaliland waxa uu Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo ) iyo wefti-giisii ka qayb-galay shirka London oo guul weyn u soo hooyay Qaranimadda iyo jiritaanka Somaliland halkaas oo uu Khudbad wax ku ool ahayd uu ka jeediyay Madaxweynahu Shirkii London taas oo taariikhda Somaliland ku suntantay.

Waxa kale oo uu xafiisku Hambalyo aan la soo koobi Karin u dirayaa Jaaliyadaha Somaliland ee UK,Denmark,Sweden,Holland ,Canada Irland,Norway,Finland iyo USA ee ka Qayb-qaatay Mudaharaadkii 22/02/2012 ka Dhacay Guriga Raysal wasaaraha Dalka ingriiska 10 Down St, kaas oo ay ku soo bandhigeen Taageeradda ay u hayaan Madaxweynahooda iyo Madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland iyagoo muujiyay Rabitaankooda in aqoonsi buuxa ka helaan dunida,

Xafiiska Xidhiidhka jaaliyadaha Somaliland waxa ku dhiiri-galinayaa Jaaliyadaha Somaliland inaanay ka daalin Dadaalka ay ugu jiraan ka midho dhalinta Aqoonsi caalamiya oo uu helo dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed