|

Rugta Ganacsiga Somaliland oo ka hadashay Markab u rarnaa ganacsato muwaadiniin ah oo Budhcad-baddeeda u afduuban

Hargeysa, 26, February 2012 (Qurbejoog.com)- Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga Somaliland oo markii ugu horeysay ka hadashay Markab u rarnaa Ganacsatada Somaliland oo todobaadkii hore Budhcad-baddeed Soomaaliyeed ku afduubeen Xeebaha dalka Cumaan.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri ayaa sheegay in Markabkaasi u rarnaa in ka badan 500 oo ganacsato reer Somaliland ah, waxaanu baaq u diray Kooxaha Budhcad-baddeeda ah ee afduubay Markabkaas. “Markabkaas toban cisho ka hor ayaa la afduubay, waxaanu u rarnaa ganacsato reer Somaliland ah inta badana badana Maraakiibta noocaas ah waxa rarta ganacsatada yar yar. Sidaa darted badeecada saaran waxa laga yaabaa inay 500 ilaa 600 oo qof ay saamayso.” ayuu yidhi Guddoomiyuhu isagoo la hadlayay Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga, waxaanu intaa ku daray isagoo baaq u diray Kooxahaas Markabka aduubtay. “Nimanka afduubay waaniman Soomaaliyeed telefoon ayay haystaan, ganacsatada Dubai joogta ayuun baa la xidhiidhayay, markaa waxaanu nimankaa ka codsanaynaa oo aanu leenahay waar dadkiinii danyarta ahaa ayaa iska leh, arrintaas inaad ka noqotaan ayaan idiin soo jeedin lahaa oo dadkaa walaalihiina aad xoolahooda u soo daysaan wax shuruud ahna aydaan ku xidhin.” ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray.

Qurbejoog.c om, Hargeysa

Comments are closed