Raiisul Wasaare Gaas:Reer Galbeedka waxaanu la wadaagi doonaa Kheyradka Soomaaliya hadii ay gacan na siiyaan
London Feb 26,2012(SDN)-Raiisul Wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali ayaa saxaafada u sheegay in Soomaaliya ay la wadaagi doonto reer Galbeedka hadii ay gacan ka siiyaan la dagaalanka kooxda Al Shabaab.
Raiisul Wasaaraha ayaa intaa raaciyay in dalkiisu u baahan doono maal gashi lagu soo saaro shidaalka faraha badan ee dalka ku jira,ka dibna ay badh siin doonaan reer galbddka.
Xeeldheereyaasha qaar ayaase qaba in khatari ka dhalan karto farogelin ka timaada dalalka reer galdeedka ee u muuqda in ay iminka u soo jeesteen arinta Soomaaliya.
Adjoa Anyimadu oo ka tirsan machadka Chatham house ayaa qabta in iminkaba ay jirto shaki Soomaalida qaar ay ka qabaan u soo jeesashada reer galbeedka ee dalkooda.
“Waxa jira in ay dhici karto in xaaladu ka darto,iminka Shabaabka waa ay lumiyeen kalsoonidii,hadiise shisheeye dalka tago waxa dhici karta in loo midoobo ka hortagooda”ayay tidh Adjoa.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com