XISBIGA LEEBARKA SOMALIA OO TAAGEEREY SHIRKII LONDON
War Saxaafadeed laga soo saarey Shir ay magaalada Toronto manta oo ay taariikhdu tahay 25ka Febraayo 2012ka ku yeesheen Hoggaanka Siyaasadda Xisbiga Leebarka Somalia ayaa lagu falanqeeyey Xaaladda Somalia guud ahaan, gaar ahaana Shirka lagu qabtey, laguna soo gaba gabeeyey magaalada London , caasimadda Dawladda Ingiriiska ee UK oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 50 Dawladood iyo Ururo kale oo Caalami ah, lagana soo saarey qodobo muhiim u ah xallinta mashaakilka Somalia oo in ka badan 20 sano xaalad jaho wareer ku sugan.
Dood dheer iyo falanqeyn dhab ah, ayaa Hoggaanka Siyaasadda Xisbiga Leebarka Somalia soo saareen War Saxaafadeedka hoos ku qoran:
1) Xisbiga Leebarka Somalia wuxuu si buuxda u taageerey Shirkii Somalida loogu qabtey, laguna soo gaba gabeeyey magaalada London, Dalka Ingiriiska 23ka Febraayo 2012ka iyo qodobadii laga soo saarey oo dhan.
2) Wuxuu mahad ballaaran u celinayaa Dawladda Ingiriiska , Ra’iisul Wasaare David Kameroon, Xisbigiisa , Labada Aqal , Boqorada iyo Shacbiga ingiriiska dadaalka ay u galeen iney meel isugu keenaan Madaxdii Beesha Caalamka ee ka soo qeyb gashey Shirkaas , Madaxda TFGda, Somaliland, Puntland, Galmudug, Ahlu Sunna iyo Bulshada Rayidka Somaliyed.
3) Xisbiga wuxuu si buuxda u taageerayaa Beesha Caalamka oo u soo jeesatey Xal u helidda dhibaatada ka taagan Somalia sida Nabad Gelyo la’aanta, la dagaalanka Burcad Badeedka, musuq maasuqa iyo Maamul Xumidda ka jirta Somalia, iyo dib u soo celinta Qaranimadii iyo Sharaftii Somalia ku lahayd Caalamka.
4) Xisbiga wuxuu Rajeynayaa in go’aanada laga soo saarey Shirkaas ay noqdaan kuwo loo hirgeliyo sidii loogu talo galey, lagana dhowro wax is-daba marin, daneysi gaar ahaaneed, iyo abuurista Dulmi Cusub iyadoo loo maraayo wado ku saleysan Cadaalad darro, taasoo sabab u ah bur burka iyo halaaga ku dhacey Somalia oo haddii aan laga waantoobin sii dheereyn karta xaaladdaas foosha Xun.
5) Waxaa Xisbiga si taxaddar ku dheehan ula socon doonaa hadba sida loo dhaqan geliyo qodobadii Shirka, gaar ahaan hawlaha laga sugaayo TFGda sida ku cad ” Road Mapka” ama Geedi socodka Siyaasadeed iney ku fuliso kuna soo dhameystirto muddada u harsan si Dalka looga saaro KMGka looguna dhiso Dawlad rasmi ah oo wakiil ka noqota Qaranimada iyo midnimada Somalia laguna saleynaayo Nidaamka Federaaliga ah sida ku cad Axdiga Ku Meel Gaarka Somalia.
6) Xisbiga wuxuu ku talinayaa in AMISOM ay ahaato Ciidanka keliya oo loo xilsaarey Xasilinta Nabad gelyada Somalia, loona sameeyo qorshe Hawleed oo si cad u qeexaan, muddada ay ku fulinayso Hawshaas iyo Waqtiga ay ka baxayaan Somalia islamarkaasna AMISOM hoggaankeeda lagu wareejiyo UNka Golaheeda Amaanka si loo xakameeyo Hawlaheeda loolana socda tacadiyada loo geysto Rayidka Somalia.
7) Xisbiga Leebarka wuxuu cambaareynayaa Duqeymaha loo geysto Shacabka Somaliyed oo aan shaqo ku lahayn Dagaalka lagula jiro Kooxaha Islaamiyiinta, si deg deg ahna loo Joojiyo duqeynta Arxan darrada ah ee ay geystaan Diyaaradaha Dagaalka ee Dawladaha dereska ama jiiraanka la ah Somalia kuwaasoo Caruur iyo Haween ku laayeen jilib, Sh. Hoose iyo Jubboyinka. Sidaas si la mid ah AMISOM waa ineysan ku duqeynin Madaafiicda waaweyn sida PMka iyo kuwa Taangiyada deegaanada Shacabka deggan sida Ceelasha iyo degmooyinka Muqdisho.
8) Xisbiga Leebarka wuxuu Cambaareynayaa kuwa dhibaatada ku haaya Barakaceyaasha, booba Raashiinka lagu soo sadaqeystey, Jir dila, kufsada siina barakiciya, arrintaas TFGda waa iney Xil weyn iska saartaa mar haddii ay tahay Dawladda mas’uulka ka ah Somalia, Cadaaladna ku maamushaa Barakacayaasha, iyo iney sugto Nabad Gelyada Xerooyinka ay ku jiraan Barakacayaashu.
9) Xisbiga Leebarka wuxuu Mahad ballaaran u Jeedinayaa Dawladaha u soo gurmadey Somalia si ay u taakuleyyaan Shacabka ku hoobsatey Musiibada Aabaaraha iyo Dagaallada , gaar ahaan Dawladda Turkiga oo hormuud ka ah Hawlahaas, dawladaha kale sida Dalka kuweit, UAE , Mareykanka iyo EUda .Mahad Ilaah baa iska leh sidaas oo kale Somalida qurba joogta, Hay’adaha Samafalka, iyo Madaxda Somaliyed oo iyagana isku xil qaamey iney u adeegaan Shacabkooda marka laga reebo kuwa ku daneysta dhibaatada Shacabkooda.
10) Xisbiga wuxuu Ummadda Somaliyed kula dar daarmayaa iney Joojiyaan Colaadda, Is- Cafiyaan, Ilaaheyna Towbad iyo Cafis weydiistaan, una soo Jeestaan dib u dhiska Dalkooda, sare u qaadida Diintooda, Karaamadooda, Sharaftooda, dhaqamadooda suuban oo waafaqsan diinta Islaamka , kana tanasulaan Xagjirnimada , argagaxisanimada nooc kasta oo ah , una soo jeestaan adkeynta Nabadda Somalia, tan Qaaradooda Afrika iyo ka qeyb qaadashada Nabadda guud ee Caalamka.
11) Ugu dambeyntii Xisbiga Leebarka Somalia wuxuu taageerayaa Nabad ku wada noolaansho guud oo lagu gaaro isfaham, wada hadal, xisaabtan , is-cafis oo ay dhex marto Beelaha Somaliyed oo dhan maxaa yeeley Qoriga Caaraddiisa Nabad buuxda laguma keni karo weligeed haddii aan Islaax guud loo helin mashaakilka jira lagana qeyb geliyo Kooxaha iska soo horjeedo oo dhan. Taasna waxaa lagu gaari karaa Allah ka cabsi, Caddaalada oo la sugo, dulmiga , wax isdhaafsiga iyo Xatooyada Hantida Guud iyo tan gaar ahaaneed oo la daayo iyo iyado la helo Siyaasad ku saleysan Wadaniyad, Iimaan, Allah ka cabsi, Xishood iyadoo Danta Guud oo laga hormarinaayo Danta Gaar ahaaneed.
Cabdulxamiid, Maxamed Sheikh
Afhayeenka Xisbiga Leebarka Somalia