Dhalinyaro reer Kenya ah oo loo carbinayo Shabaabka
Pumwani Feb 23,2012(SDN)-Sida lagu xusay qoraal ay dhawaan daabacda QM dhalinyarada reer Kenya ayaa si weyn qeyb uga ah dagaalka ay shabaabku ka wadaan guddaha iyo dibedda Soomaaliya.
Xarunta ololaha dhalin u carbinta Kenya waxa gebi ahaan uu ka socday degaanka Pumwani ee caasimada Nairobi,halkaa oo uu ku yaal Masjid la yidhaa Maratib.
Waalidiinta degaankaas ayaa dareemay dhalintooda oo loo carbinayo JIHADka Soomaaliya,waxaaney bilaabeen xidhashada sharaar ay ku qoran yihiin Jihadku waa Diintayada.
Caruur faro badan oo dhigata dugsiyada dhexe iyo kuwa sare ayaa mar qudha la waayay,ka dibna waxa laga warhelay in ay Soomaaliya u Jihaad doonteen.
Inta badan waxa gacan ka geystay in dhalintan Shabaabku duufsadaan Sheekh la yidhaahdo Axmed Iman Ali sida lagu xusay warbixinta QM.
Sheekhan ayaa lagu sheegay in uu yahay wakiilka Shabaabka ee Kenya,isla markaana ay waalidiintu ku eedeeyeen in uu caruurtooda marin habaabiyay.
Kenya ayaa waxa ka jira dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ciidan,aduun iyo taageeroba siiya kooxda Al Shabaab ee ka arimisa koonfurta Soomaaliya.
Shabaabka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada ay ka hesho dhalinta iyo qurbejooga dibeddaha ku nool.
SDN-Pumwaki
contact@somalidiasporanews.com