|

Xeer Ilaaliyaha Somaliland oo soo dhaweeyay xeer ay ansixiyeen Gollaha Wakiilada

Hargeysa Feb 22,2012(SDN)-Xeer Ilaaliyaha Guud ee   Qaranka Mudane Xasan Axmed Aadan ayaa Hambalyeey go’aankii ay Golaha Wakiiladu ku meel mariyeen xeerka la dagaalanka Budhcad badeedka iyo kala wareejinta Maxaabiista.

waxa uu Xeer ilaaliyaha Guud iftiimiyay in Xeerarkani yihiin kuwo baahi weyn loo qabay isla markaana wax weyn ka tari doona Ciqaab marinta iyo Maxkamadaynta eedaysanayaasha loo soo qabqabto falal budhcad badeednimo iyo Hababka Maxaabiista la isugu wareejiyo.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranku Xasan Axmed Aadan waxa uu sheegay in xeerarkani ay wax badan ka bedeli doonaan habkii loola dhaqmi jiray dawladaha caalamka ee xeerarka noocan oo kale leh isagoo xusay inay Somaliland talaabooyin wax ku ool ah ka qaaday danbiilayaal badan oo falal budhcad badeed ku kacay isla markaana ay dawladaha caalamku ku amaaneen Somaliland dejinta xeerarkan isagoo intaas ku daray in Jamhuuriyada Somaliland ay Maanta ka mid noqotay dalalka tirada yar ee Samaystay Shuruucda la dagaalanka budhcad badeeda .

Xasan Axmed Aadan waxa uu u mahad celiyay Golaha Wakiilada oo cod aqlabiyad ah ku meel mariyay xeerkan.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed