Hargeysa oo lagu qabtay munaasibad lagu weyneynayo Afka Hooyo
Hargeysa Feb 22,2012(SDN)-Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Bada ee Somaliland Mudane C.laahi Jaamac Cismaan “Geel Jire” ayaa ka qayb galay Munaasibad lagu xusayay Maalinta afka hooyo ee Soomaaliga oo lagu qabtay Xarunta Jaamacada Admas.
Waxaa Munaasibadan soo qaban qaabisay Jaamacada Admas iyo Ururka PEN kaas oo ay ka qayb galeen maamulka,ardayda, macalimiinta, Aoon yahano iyo mas’uuliyiinta ururka Pen iyo marti sharaf kale.
Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacada Admas Xuseen C.laahi Maxamud oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xuska maalintan laga xusayo daafaha caalamka oo dhan isla markaana lagu muujinayo qiimaha ay bulshooyinka adduunku ugu fadhiyaan afafkooda hooyo waxa uu gudoomiye ku xigeenku tilmaamay in xuskani uu ku beegan yahay afartan guuradii ka soo wareegtay markii la qoray afka somaliga .
Xuseen C.laahi Maxamud waxa uu ugu baaqay bah’da qalin –laydu inay xil iska saaraan sidii loo badbaadin lahaa afkeena oo isbedelka xadaaraduhu ay dhalan rog ku keeneen.
Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka bada ee Somaliland Mudane C.laahi Jaamac Cismaan “Geel Jire” oo madashaasi ka hadlay ayaa ku bogaadiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay qabsoomida Xuskan oo ka turjumaya kor u qaadista afkeena hooyo wasiirku waxa uu sheegay in baahi weyn loo qabo sidii la isu waafajin lahaa eray bixinta cusub eek u soo biiray afka somaliga si ay u noqdaan kuwo isu dheeli tiran.
SDN-Hargeysa