Mucaaridka iyo Muxaafidka Jabuuti oo siyaabo kala duwan London ugu soo dhaweyn doona madaxweyne Geelle
London Feb 21,2012(qurbejoog.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md Ismaciil Cumar Geelle ayaa dhawaan gaari doona magaalada London si uu uga qeybgalo shirka Britain u qabaneyso Soomaalida todobaadkan.
Jaaliyada reer Jabuuti ee London ayaa qorsheynayaa soo dhaweynta madaxweyne Geelle kolka uu halkaa gaadho maalmaha ina soo haya.
Mucaaridka iyo Muxaafidka ayaa qorsheynayaa soo dhaweyn kala duwan oo mudici isku ah.
Mucaaridka ayaa isu urursanaya sidii inta uu madaxweyne Geelle London Joogo in ay uga faaideystaan soo bandhigida xadgudubyada xukuumadiisu ku caanka tahay,sida uu noo sheegay mid ka mida qabanqaabiyeyaasha mudaharaadyada.
Halka Mucaafidka oo kaashanaya fanaaniin ay dhankooda wadaan mashruuc ay ku abaabulayaan bandhig madaxweynaha lagu soo dhaweeyo.
Si kastaba ha ahaatee ma aha markii u horeysay ee qurbejooga reer Jabuuti abaabulaan xaflado isu mutaxan oo ay mar wada qabsadaan.
Qurbejoog-London
contact@somalidiasporanews.com