|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo kolkii u horeeysay Safar u baxay kiyoon Xirsi la socon,maxay tahay sababtu?

Hargeysa Feb 21,2012(qurbejoog.com)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa todobaadkan u anbabaxay safar uu ku tegay dalka Britain oo uu uga qeybgalayo Shirka Soomaalida ee London lagu qabanayo Khamiista in soo aadan.

Madaxweynaha ayaa kolkii u horeysay garabkiisa midig laga waayay ruuxa uu kalsoonida ugu weyn ee siyaasadeed uu ku qabo waa wasiirka Madaxtooyada Md Xirsi Xaji Xasan.

Sababha arintan keenay ayaa dhawr si loo fasirtay,waa mare waxa isa soo tarayay bilihii u danbeeyay khaladaad siyaasadeed oo uu Md Xirsi galay oo madaxweynuhu culeys weyn uga muteystay mujtamaca.

Sabab kale oo arintan lagu micneeyayna waxa ay leedahay xaalada dalka oo kacsan,dagaalo socda iyo mucaarad xoogan oo ka soo horjeeda ka qeybgalka Shirka London oo weli jirta awgeed ayaa Xirsi London u tegi waayay.

Si kastaba ha ahaatee goaanka madaxweynuhu uga tegay wasiirka Madaxtooyada ayaa ahaa hadal heynta u badan ee todobaadkan.

Qurbejoog-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed