|

Ciidamada cirka Kenya oo duqeeyntii Jubooyinka kordhiyay

Qooqaani Feb 21,2012(qurbejoog.com)-ciidamada Kenya ayaa kordhiyay duqeymo ay ku hayeen degaanada Shabaabku ku xoogan yihiin ee ku teedsan degmada Qooqaani iyo Afmadow dhawrkii maalmood ee ina dhaafay.

Taliyaha ciidamada Kenya ee ku sugan guddaha Soomaaliya Lt Col Jeff Nyagah ayaa sheegay in Shabaabku xoogoodii ciidan ay Konfurta isugu geeyeen,isla markaana aanu weli xaqiijin karin khasaaraha ka soo gaadhay duqeymihii u danbeeyay.

Taliyuhu waxa uu ka waramay in tiro dad ah oo degaanadooda uga baro kacay abaarihii in ay iminka dib ugu soo noqonayaan aqaladooda ka dib kolkii Shabaabka laga saaray.

Sidoo kale taliyaha ciidamada Kenya ayaa sheegay in WFP iyo Dhakhaatiirta Duusha ay degaanadaa gaadhsiiyeen kaalmo wax ku oola maalmihii u danbeeyay.

Ciidamada Kenya ee galay goobaha Shabaabku ka ariminayeen sanadihii u danbeeyay ayaan ilaa haatan wax guulo ah oo la taaban karo ka gaadhin duulaankooda.

Taa bedelkeeda Shabaabka ayaa weeraro ku qaaday goobo ku yaal xadka oo dhanka Kenya ah dhawr jeer isla markaana ku dilay qaar ka mida shacabka iyo ciidamada Kenya.

Qurbejoog-Qooqaani
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed