Gudidda la socodka Nuclearka ee QM oo Tehraan gaadhay
Tehran Feb 21,2012(qurbejoog.com)-Magaalada Tehran ee xarunta wadanka Iiran waxaa gaadhay koox ka socota wakaaladda quwadda atoomiga u qaabilsan qaramada midawday IAEA.
Booqashada khubaradaasi ayaa qaadan doonta muddo laba maalmood ah, waxaanay saraakiishu sheegeen inaanay ahayn mid ku salaysan hawlo baadhitaano ah, balse ay tahay socdaal ay kulamo kula yeelayanaan saraakiisha waddankaasi.
Madaxa waftiga ka socda hay’addaasi dunida u qaabilsan quwadda atoomiga ayaa sheegay in u jeedadoodu ay tahay in ay ogaadaan inay jiraan wax ujeedooyin milatari ah oo ku saabsan barnaamijka quwadda atoomiga ee Iran .
Iran ayaa had iyo jeer beenisa barnaamijkoodu inuu yahay mid Milatari, balse uu yahay mid salmi ah.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Iran Cali Akbar Saalixi ayaa sheegay in Iran ay ku rajo wayn tahay wadahadalo deg deg ah inay la yeelato dalalka waaweyn, kaasi oo lagu naaqishaayo barnaamijkeeda quwadda Niyukliyeerka.
Qurbejoog-Tehran