Dayactirka Wadooyinka degmedda Gacan-libaax oo la dardargelinayo
Hargeysa Feb 20,2012(qurbejoog.com)-Hargeysa (DHH)- Guddoomiyaha degmadda Gacan-libaax ee magaaladda Hargeysa Khadar Cismaan Guulleed, ayaa maanta sheegay inay dardargeliyeen adeegyada ay u hayaan bulshada ku dhaqan degmadaasi gaar ahaan horumarinta jidadka iyo adeegyadda bulshadda.
Khadar Cismaan Guulleed wuxuu sheegay inay saaka soo cabireen laba goobood oo ay dawladda Hoose ee Hargeysa ka hirgelin doonto laba barkadood oo uu tilmaamay inay ku shubi doonaan biyaha si shacbiga ku dhaqan xaafadaasi biyaha uga cabaan, maadaama oo dhaamka Daami ay ku jiraan biyo wasakhaysan oo caafimaad darro ka dhalan karo.
“Waxa noo qabsoomay oo dhammaaday wadada ka bilaabanta Geerashka Cabdi Xasan ee dhinaca bariga ka xigta ee tagta Iskuulka Daami. Iyo wadada weyn ee halbowlaha ah ee jeelka weyn ka bilaabanta ee Daami tagtana gacanta ayaa lagu hayaa oo caro kaawihii ayaanu dhignay.Wadooyinka noo qorshaysan waa afar waddo oo xaafadda Sheekh Nuur ah, laba waddo oo Mubaarig ah iyo waddo Sheekh Madar ah. Jidadkaasna waxaanu rajaynaynaa inaanu sida ugu dhakhsaha badan uga hawl-galo,”ayuu yidhi Guddoomiyaha degmada Gacan-libaax.
Guddoomiyaha Degmadda Gacan-libaax waxa uu tilmaamay inay qaadayaan olale balaadhan oo cashuur bixineed, waxaanu ugu sheegay in cidii cashuuro ku baaqdeen ay ka qaadi doonaan ganaax dhan 10%.
Guddoomiyuhu wuxuu shacbiga ku dhaqan degmada Gacan-libaax ugu baaqay inay si hufan iskaga bixiyaan cashuuraha kala duwan ee ku waajibay hantidooda iyo guryahoodda.
Khadar Cismaan Guuleed waxa kale oo uu tilmaamay inay talaabo ka qaadi doonaan dad uu ku eedeeyay inay wadooyinka iibinayaan.
Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu u soo jeediyay dadweynaha degan xaafadda Daami inay ilaaliyaan nadaafadda oo ay khashinka ku qubaan goobaha loo asteeyay isla markaana ay la shaqeeyaan dawladooda Somaliland.
Qurbejoog-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com