|

NAFTAYDAAN NACAY ee sidaan u Daaweeyaa?

Waa waajib ina saaran in aynu   ku dadaallno ilaalinta caafimaadkeenna jidhka, innagoo joojinayna  cabbista Sigaarka, samaynaynana jimicsi badan, iyo innakoo yaraynayna dufanka ku jira cuntadeenna. Sidoo kale, waxaan wax  uga qaban karnaa  cafimaadkeenna xaga nafsaaniga ah.

Barashada is-dejinta (Learning to relax)

Tani waa xirfad qof kasta ay tahay inuu barto. Waxa jira buugaag iyo cajalado badan oo ka hadlaya is-dejinta, waxbarashada dadka
waawaynina waxay qabanqaabisaa fasallo ku saabsan arrintaas. Jimicsi (yoga), baaraandegis (meditation), daliigis (massage) iyo daawo-dhireedku (aromatherapy) dhamaan way caawin karaan is dejinta.

Jimicsiga (Taking exercise)

Jimcsigu waxuu caawin karaa caafimaadka maskaxda iyo ka jidhkaba.
Waxuu beddeli karaa sida aad nolosha u aragtoo dhan, isagoo kugu caawinaya inaad ka takhalusto dareennada xunxun ee welel ka iyo cidhiidhiga ku galiya. Wax wayn buu ka
bedeli karaa dadka qaba isku buuqsanaanta, niyad-jabka iyo is-naca. Waxay kaloo caawin kartaa inay joojiso dhibaataduba inay bilaabato marka horeba.

Barashada sida loola tacaalo xaaladaha adag

Dadka laga faa’iidaysto, ama sida xun loola tacaamulo, badanaa way ku adag tahay inay doodaan. Waxa laga yaabaa inay door bidaan inay dhibka iska qarsadaan, markaas laakiin caray la buuxsami karaan, taasoo keenaysa deganaan la’aan iyo isku buuqsanaan. Tabobar lagu qaato dhiirranaanta waxay wanaajin kartaa kartida arrimahan oo kale.

Hadaf yeelashada (Setting goals)

Tani waa ka fakaridda siyaabaha lagu hormarin karo nolosha. Dadku waxay u baahan yihiin inay is waydiiyaan, ‘sidee baan jeclaan lahaa inay ummuuruhu noqdaan toban sano gudahood? Waa maxay isbaddellada yaryar ee aan hadda bilaabi karo?’ waxa suuro gal ah in nolosha laga sameeyo isbeddallo wanaagsan, inay adag yihiinba ha u muuqdeene.
Ogow Markasta guusha waxaa ka badan khasaaraha. waxaa lagu dhaafaa khasaaraha badan sabir iyo dhiiranaan.

Dareenka oo la muujiyo

Dareenkeenna oo aan u muujinno si xanaaq ah, oyno ama aan qaylinno waxay nagu caawisaa inaan ka soo kabanno dhibaatooyin aan soo
aragnay. Isku cabbudhinta dareenka iyo qiirooyinkaaga waxay keeni kartaa daal dhalin kara degganaan la’aan iyo isku buuqsanaan.

Wajahidda dhibaatooyinka

Markay dadka arrimuhu ka khaldamaan, markay aad u cabbaan waxay iska dhaadhiciyaan inay dhibka is illawsiiyaan ayna rajeeyaan inay dhammaan doonto. Taasi inaysan dhicin baa la arkaa.

Waayo qofku Hadii uu cabitaan ama qayilaad isku dhaafiyo dhibta haysta taasi macnaheedu waxa uu noqonayaa waxaad isu dhiibtay Mawjadaha walbahaarka iyo rajo la’aanta, oo aan wax ba kuu qaban karin. Waa in aad Dagaalantaa oo aad Naftaada ka Adkaataa. Hadii aad wakhti galisid in aad guulaysato waxa Hubaal ah in aad guulaysanaysid.

Helista qof lala sheekaysto

Talooyinka aynu halkan ku bixinay  intooda badani way fudud yihiin in la raaco, haddii uu jiro qof si furan oo daacadnimo ah loola sheekaysto. Waxuu noqon karaa saaxiib, ama waxaaba anfici karta in lala kulmo dad kale oo xaalddaas oo kale ku sugan, oo is-kaashada ama koox la caawiyo. La taliyayaal iyo dhakhaatiirta maskaxda waxa si gaar ah loogu tabobaray inay dadka ka caawiyaan inay naftooda si fiican u fahmaan ayna ka adkaadaan dhibaatooyinka nolosha.

Diinta iyo Wel-welka

Qofka muslimka ah waxa uu kaga duwanyahay Dadka Diimaha kale haysta waa Farxadda iyo Daganaanshaha uu ilaahay ugu deeqay Umadda Muslimka ah.
waa dhibaato Adigoo xidhiidh la lahayn RABIGAA in aad tidhaahdo  anigoo Muslim ah ayaan welwelayaa ee maxay sidani ku dhacday.
Taa micnaheedu waa xidhiidhkaaga ayaan  kii lagaaga baahnaa ahayn.
Quraanka oo la akhriyo ama la dhagaysto waxa dhamaan Dhakhaatiirta  islaamka ee xanuunada maskaxdu isku raaceen in ay dajiso qofka ISKU BUUQA qaba.
 
 
By Dr Abdifatah Ahmed abdikaliil.

  kaliil_10@hotmail.com

    Germany

Comments are closed