Reysul wasaaraha Britain: Dhalinyaro dalkan u dhalatay ayaa maskaxdooda lagu sumeeyay Soomaaliya
London Feb 20,2012(qurbejoog.com)-Raysul wasaaraha dalka Britain ayaa maanta ka hadli doona qaar ka mid ah sababha dalkiisu Soomaalida ugu qabanayo shirka caalemiga ah ee London ka furmaya 23ka bishan.
Reysul wasaaraha ayaa sheegay in dhalin fara badan oo ka soo jeeda Soomaaliya balse heysta dhalashada dalka Britain in ay haatan ka dagaalamayaan Soomaliya ayna dhici karto in ay dib UK ugu noqdaan kana fuliyaan falal argegixiso.
“Khatarta amnigeena waa ay sii kordheysaa,dhalinyaro reer UK ah ayaa maxkaxdooda ay xagjiriintu sumeeyaan”ayuu yidhi Mr Cameron oo la hadlay saxaafada.
Mr Cameron ayaa lagu wadaa in uu maanta la kulmo masuuliyiinta jaaliyadaha reer Britain si uu ugala hadlo doorka uga banaan nabadeynta.
“Waxa Britain hoy ka dhigtay Soomaali faro badan,Soomaaliyana ma nabadeyn karo la’aantood,fariinta aan u sido waa dalkiina ha ugu noqonina in aad dagaalantaan,taa bedelkeed dalkiina ku caawiya in aad taageertaan dhisida hanaanka nabadeed iyo shuruucda dawliga ah”ayuu Mr Cameron mar kale yidhi.
Reysul wasaare David Cameron ayaa todobaadkan guddoomin doona shir caalemi ah oo Soomaalida loogu qabanayo Londo,shirka waxa ka qeybgeli doona madaxda dalal iyo heyado caalemiya.
Qurbejoog-London
contact@somalidiasporanews.com