Burcad badeed lagu Maxkamadeynayo Kenya ka dib kolkii ay Seychelles iska diiday
Mombasa Feb 20,2012(qurbejoog.com)-Burcad badeed Soomaali ah oo dhawaan ay gacanta ku dhigeen ciidamada badda ee dalka Denmark ayaa maxkamadi uga bilaabatay dalka Kenya ka dib kolkii ay dawlada Seychelles oo dalkeeda la geeyay ay diiday in dalkeeda lagu maxkamadeeyo.
Burcadan oo tiradooda lagu sheegay in ay afar tahay ayaa laga soo duuliyay Seychelles iminkana maxkamadooda ka bilaabatay magaalada Mombasa.
“Ka dib kolkii ay jaziirada Seychelles ay diiday maxkamadeynta iyo xadhiga Burcad badeeda ayay dawlada Kenya qaaday talaabadan”sidaana waxaa yidhi Thomas Konijsfeldt oo ah sarkaal ka tirsan dawlada Denmark.
In ka badan 200 oo burcada oo laga soo qabtay xeebaha geeska Africa ayaa ku jira xabsiyada dalka Kenya.
Qurbejoog-Mombasa