|

Masar oo Safiirkeedii uga yeedhatay Syria

Qahira Feb 20,2012(qurbejoog.com)-Dawladda Masar  ayaa maanta  go’aansatay  in ay  u yeedhayso  safiirkeedii  u fadhiyey  caasimadda dalka  Suuriya  ee Dimishiq, iyadoo fulinaysa  cadaadiska  ururka Jaamacadda  carabtu  ku hayso  xukuumadda Bashaar Alasad.

Waxana hore safiiradoodii uga  yeedhay Dimishiq dawladaha iskaashiga  Khaliijka  carabta,  iyagoo  ugu  baaqay  dadka  u dhashay  wadamadooda  ee ku sugan  Suuriya  in ay  dalkaasi si deg deg ah  uga  baxaan.

Dhinaca kale,  diblomaasi sare oo lagu magacaabo  Naadim Alqudsi  oo la shaqeyn jiray  madaxweynihii hore  ee dalkaasi  Suuriya  Xaafid Alasad  ayaa maanta  ku dhawaaqay in xaalad dhaqaale  xumi ah soo food saartay  dalka  Suuriya,  oo ay  sabab u tahay cunaqabataynta  adag ee caalamku saaray, isagoo sheegay in xukuumadda Mr  Bashaar Alasd  ayna sii shaqeyn Karin  wax ka badan  lixda bilood ee soo socda.

Qurbejoog-Qahira

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed