XUKUNKII SIILAANYO IYO XISBIGII KULMIYE MA WAXAA UU NODAY QORAX CASAR JOOGTA IGU AMAAHIYAAY?
Waad salaaman tihiin dhamaantiin meel kastoot joogtaanba
Mawduuca magaciisa iyo dalku waxaa uu ku sugan yahay isku qiyaasa waxaad aragtaan ama aad maqashaan maalin walba Nin baa waxaa uu yidhi anagu ku sheegi mayno yaan camalkaagu ku sheegin.
Waxaa fiican inaan ku cibaaro qaadano maalin walba taariikhdan cajiibka ah ee Ilaahay horteena ku kala badalayo kuwii waxa ku qaatana alle ha inaga dhige eexaqa u soo noqda iyo waaqaciga Madaxweyne siilaanyo waxaa loo dhiibay dal ishaysta awoodiisu inkasta ha laeekaate Maxaa ka danbeeyey?
Waxaa ka danbeeyey intuu xisbagan talada hayey dalkii oo sii kala burburaya Danyartii foqoradii oo aad looga soo dayrinayo.darbijiifkii oo batay.amnigii oo farah ka sii baxaya .xukunkii oosi xun loogu tagri falayo .hantidii umada lahayd oosi xun loo isticimaalayo.ooy ka muuqato boobaay tan gabalkaa u dhacaye,Maxaa hadaba u sabab ah in ay sidani u dhacdo?
Horta hadynu mid fahano waxaa inoo hawl yaraanaya waxaa ay sidani u dhacday,Ninka la yidhaa HOWLGAB horta shaqada uu qaban karaa maxay tahay. Ta labaad bulshada soomaaliyeed ninku markuu gaboobo shaqadee buu ku lahaa Shaqada waa hore ayeynu kala qaybsanay.
Waxaa uu ku lahaa xerada xoolaha ayaa la hor seexan jirey.waayo ninkan odayga ah Ummada maalintii intay wax kala macaashayso wuu hurdaa Markaa ay dadku seexanayaan ayaa ninkan odayga ahi soo kacayaa dhaqdhaqaaqiisuna Aad iyo aad buu u badan yahay reer miyigu waa inaga caqli badan yihiin markiiba waxaa loo helay shaqadiisii uu ka soo baxayey in xoolaha iyo reerka lagaga ilaashada dhurwaaga iyo tuuga intay hurdaan habeenkii.maalintii waxba looma dirsado waayo waa nin holgab ah waa lootudhayaa ninmankaasi baa inaga reer magaalka horta inaga caqli batay Maskax daashay bal adugu markaad kursigii ummada ugu shaqada badnaa aad u dhiibto ka waran .oo la doonayo inuu la socdo wax hareerihiisa ah siyaasada addunka ummadiisa hurumarkeeda ninkaasi ma kaasaarayaa waa maya .isagana waad cadabtay dalkiina dib baad u dhigtay horta waa taas ta keentay waxan dhacaya manta Xisbigii kulmiye markaad iminka la sheekaysata ee aad tiraahdo waar sidaad wax leedihiin iyaga waxaa ay kuugu jawaabayaan miyeydaan arkaynin ninku waa hawl gab.
Ahe jawaabtu waxaa weeye shalay idinku maxaad u arki waydeen.
Walaalyaal waligiin inaga ilaaliya tacasbka qiirada xad dhaafka ah ee marka danbana kugu furaysa togag murugooyin ah iyo is ciil kaambi si aanay taasi inoogu dhicin Mar danbe aan iska ilaalino tacasbka waayo tacasbku waa camalada iyo hubka uu ku dagaal galo shaydaanku
REER SOMALI LANOW WAXAAN IDIN LEEYAHAY AF DAB YIDHI MAGUBAN
Walaalayaal xaqa u hiiliya oo ooga hiiliya ka waxa dulmaya haba isticimaalo xukun uu ku amartaaglaynayo ama qabiil uu ka dhashay ama lacag badnaan ilaahay waa uu jecel yahay kuwa xaq soorayaasha ah una hiilaya ka dulman.
Maxamed raage waxaan wararka ka akhriyey in lagu soo rogay daba gal badan in la yidhi ma dhoofi karo . waxaas oo dhami waxay ku tusinayaan waar shalay miyaan.
Ilownay waxaan kula dagaalanay dawladii soomaaliya,Dulmiga yar ayaa kugu ridaya ka wayn.
Ninkaasi odayga xuquuqda muslinka ilaahay siiyey waa inaanu qofka muslinka ahi cidna ka cabsan ilaahay mooyee tii ilaahay siiyey baad meel kaga dhacdeen tii dalkiisa uu madaxda ka ahaa ku lahaaba .baad meel kaga dhacdeen.
Dawlada waxaan leeyahay waligiin iska ilaaliya sheekada ma dhalyska ah sida buu ahaa iyo sidan buu ahaaan jiray hadduu ahaan jiray maxaad wax ugu dhiibatay hadaanuu caadi ahayn maxaad hore ugu sheegi weyday isaga oo kaliya.
Waxay somaalidu ku maah maahdaa af nooli waa hadlaa ayna waa ciyaa taasi in ay dawladu ku sifowdo hayska ilaaliso
Waxaan ku kala tageynaa baadilku waa sida hadhka oo kale marka xaqa lagu ifiyo dhinac kale ayuu u wareega markaa hadaan doonayno hurumar iyo cadaalad waa inaynu baadilka ku wada shidnaa dhawaaqa xaqa aan ugu hiilinayno 4koonaba waa in aan kaga qaylinaa baadilka.
Midana waan idin leeyahay haddii dadka taliyaa u bataan howlgab ummadaasi kama soo baxaan curiyayaal iyo halyeeyo ,goormaa akhristoow kuugu danbasay curiye.
Waxaan ku kala tageynaa walaalayaal 60jir nin ka wayn inaynaan kursigaa shaqada badan u dhiibin .odayaasha ixtiraam bay iga mudan yihiin markay ku eekadaan booskooda odaynimo ee aanay soo dhaafin xuduudaha sharciga ah . hadalku sidaa weeye akhristoow.
Alle haynaga dhigo kuwii isku dardaarma khayrka xumahana iska reeba wanaagana isfara.
Fuad Farah
fuadjawi@hotmail.com