Ugaanda oo ku adkeysay madaxda Soomaalida in ay ka faaiideysato fursada shirka London
Muqdisho Feb 18,2012(qurbejoog.com)-Dawlada dalka Ugaanda oo Soomaaliya ay ka joogaan ciidamada ugu badan ee AMISOM ayaa maanta ku boorisay madaxda Soomaalida ee ku kala qeybsan siyaasada in ay u midoobaan sidii shacabka Soomaaliyeed looga faaideyn lahaa shirka London.
Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Ugaanda Okello Henry Oryem oo booqana Muqdisho ayaa sheegay in madaxda Soomaalida uu ku booriyay in ay ka faaideystaan shirka Britain dalkeeda ugu qabaneyso todobaadka soo socda.
“Waa fursad ay Somalidu ku dhisan karto dawlad sharci ah oo hufan dimuqradiyadna ku saleysan Soomaalina ay hogaamiso,ka dib xiliga kala guurka,qorida dastuurka ka dibna waxa loo dareeri doonaa doorashooyin xor ah”ayuu yidhi Mr Okello.
Mr Okello ayaa sheegay in uu kulamo kala duwan la qaatay xildhibaanada Baarlamaanka ee sheegay in ay xilkii ka qaadeen guddomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan iyo madaxda sare ee dawlada.
Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Ugaanda ayaa sheegay in madaxda uu la kulmay ay ka aqbaleen soo af jarida khilaafaadka dhexdooda ah.
Dawlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxa hadheeyay kala qeybsanaan baahsan oo regaadiyay dedaalada nabadeynta ee beesha caalamku gadhwadeenka ka tahay.
Qurbejoog-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com