Mucaaridka Jabuuti oo ku kala qeybsamay mudahaarad dhawaan lagu wado in uu ka dhaco guddaha iyo dibeddaba
Jabuuti Feb 16,2012(qurbejoog.com)-Waxa soo baxaya xog tibaaxeysa in mucaaridaka dalka Jamhuuriyada Jabuuti ay ku kala qeybsameen ka qeybgalka mudaharaad lagu wado maalmaha soo socda in ay sameyaan shacabka reer Jabuuti ee guddaha iyo dibedda.
Shakigan ayaa yimi ka dib kolkii ay axsaabta mucaaridka qaar ka mid ahi aaney weli ka hadal ama ku booriyin shacabka in sida wada jira looga qeybgalo mudaharaadka.
Sidoo kale waxa socda wadahadalo ay mucaaridku ka wadaan guddaha oo ku saabsan sidii meel looga soo wada jeesan lahaa xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle,sida dad xogogaal ah aanu ka soo xiganay.
Kala qeybsanaanta mucaaridka ayaa soo baxday kolkii mucaaridka Jabuuti isku afgaran waayay dhisida dalad balaadhan oo mucaaridku yeesho oo beelaha Jabuuti oo dhamina ku jiraan.
Tuhunkan mucaaridka galay ayaa la qiyaasi karaa in xukuumada Jabuuti ku farxeyso isla markaana u sahlya in ay is hortaagto isu soobaxa February 18keeda lagu wado in uu qabsoomo.
Qurbejoog-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com