|

Somaliland oo yeelatay Comandos

Dararweyne Feb 15,2012(qurbejoog.com)-Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland Gen. Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale), ayaa tababar ugu soo xidhay dugsiga tababarka ciidamada ee Dararwayne guutadii u horaysay ee kamaandaws ah oo ka tirsan ciidamada qaranka.

 
Xaflad loo sameeyay xidhitaanka tababarkaasi oo lagu qabtay dugsiga tababarada ciidamada Danab ee Dararwayne waxaa ka qayb galay taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Gen. Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale), hogaanka tababarada ciidanka qaranka Col. Axmed Taansaani, macalimiinta dhinaca tababarka ciidamada, guutadaasi tababarka loo soo xidhay iyo masuuliyiin kale.
 
Guutadan kamaandawsta ah oo uu tababarku u socday muddo lix bilood ah ayaa la baray muddadii ay tababarkaasi qaadanayeen xeelado badan oo ku saabsan noocyada kala duwan ee dagaalka oo ay ka mid yihiin dagaalka buuralayda, sida xadhkaha loo isticmaalo marka webiyada laga gudbayo iyo sida loo qarxiyo meelaha cadowgu ku jiro.
 
Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland Gen. Ismaaciil Maxamed Shaqale, oo hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa ka waramay faa’iidada uu tababarku u leeyahay ciidamada qaranka, isaga oo xusay in ciidamadani ujeedada ugu muhiimsan ee loo tababaray ay tahay sidii ay u difaaci lahaayeen dalkan Somaliland.
 
Gen. Shaqale waxa uu sheegay in beryahan danbe ay jireen kooxo nabad diid ah iyo kuwo argagixiso ah oo ku soo gardaroonayay ciidamada qaranka Somaliland waxaanu xusay in cutubkan sida gaar ka ah loo soo tababaray ee kamaandawsta ah la doonayo in ay noqdaan kuwa u quus goya kooxahaasi una dabran jiritaanka qaranimada  Somaliland.
 
Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland ayaa u soo jeediyay taliska iyo macalimiinta dugsiga tababarka ciidanka ee Dararwayne in tababarada danbe muddadooda lagu soo koobi doono laba bilood halka uu markii hore ka ahaa lix bilood.
 
Sidoo kale Hogaanka tababarada ciidanka qaranka Col. Axmed Taansaani, oo isna hadal ka jeediyay xidhitaanka tababarkaasi ayaa Faah-faahin ka bxiyay nooca tababarka ay guutadani qaateen iyo muddada ay ku jireen Col. Taansaani ayaa kula dardaarmay ciidamadaasi in waxa keliya ee uu ciidanku cadawgiisa kaga guulaysto ay kow ka tahay is maqal iyo kala danbayn sidaas darteedna loo baahan yahay in ay muujiyaan is-maqal iyo kala danbayn.
 
Qurbejoog-Dararweyne
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed