|

WAXTARKAAGU YUU NOQON WAXYEELO SOKEEYE WAXYEELADAADUNA YEY NOQON WAXTAR SHISHEEYE

Waad salaaman tihiin dhamaantiin .salaan kadib 

Mowduuca ayaan guda galayaa .dad badan ayaa is yidhaa dalkiina iyo dadkii waxtar markaas bay isku rogtaa waxyeelo .

Nii baa wuxuu yidhi waxaan is idhi wax qurxi markaas baan kharibay  . waa hubaal oo way jirtaa in dalkii la dhisay haa  laakin dadka ma la dhisay mabda.ooda  waxaa kuu soo baxaysa  jawaab ah maya.

Dad ayaa waxay dibadaha ka soo xambaareen fikiro  iyo aragtiyo  iyo mabaadi u shaqaysay  dalal kale  oon muslin ahayn  markaasay la yimaadeen in ay ku shaqayso wadan muslin ah  s.land oo kale Cumar bin khataab wuxuu yidhi ilaahay waxaa uu nagu sharfay islaam  hadaan waxaan islaam ahayn aan ka doonana waan duloobaynaa .

Mabdaa la keenay dalka ma wax buu taray  mise waxyeelo ayuu u geystay  umada Mabdani waxa buu rumaysan yahay in uu dadka loo kala qaybiyo xusbiyo iyo fikrado.

Waayahay 20 sano ayaan ku dhaqmaynay maxaa ka soo baxay ee horumar ah  ee la taaban karaa. 3 dawladood ee ugu danbeeyey bal aynu eegno maxay qabteen  dadkii waxay kuu sheegi doorashooyinkii  oo dhan baa dhacay . waxaasi war bixin ma ah ee Wax lagu sheegana la garan mayo.

Biniaadanku waa khaldamaa laakiin waxaa u fiican kuwa is badh qabta ee yidhi sidani inaga shaqayn mayso isku eekaysiinay  reer galbeedka ma inagu ictiraafeen,waa maya,caqliga caafimaadka qabaa waxaa uu in odhanayaa sidani waa inaan waxa ka badlnaa  oon u noqonaa sharcigii ilaahay inoo dajiyey

Marka ay halkaa marayso dhawaaqiina yeedhi idinkoo kii dantiina iyo wanaagiina adduun iyo  aakhiraba  ka talinayey xidhi amaba cadawga ugu yeedhi  waxyeeladiinaasi Miyaanay noqon waxtar shisheeye  waxtarkaagiina miyaanuu isku badalin  waxyeelo sokeeye .

Aisha r.a.  ayaa waxaa ay ka soo warisay nabiga s.a.w. inuu yidhi  waxaa aan la nimid  ninka wax ku soo dara isga lagu celinaya.

Kumanaan dhaqmin hadalkii rasuulka s.a.w. hadaynu ku dhaqmi lahayn tani manta may dhacdeen  guul iyo barwaaqo ayaan ku jiri lahan Waxaan leeyahay in badan waa lays dulminayey xaga xukunka  iyo nolosha kalaba .

Waanaad wada dhageysateen warkii  agaasimahii raage  oo ahaa war aan wada haynay dibada iyo dalka guduhiisaba   waxa lagu sheekasanayey wadooyinka  ayuun buu raage U isticimaalay dhawaaq dheer .waa wareey baa yeedhay .

Xalka aynu kaga baxayno waxyeelooyinkaasi hadaba waa maxay?

Fidnooyinka waxa lagaga baxayo waxaa inoo sheegaya hogaamiyayaasha ugargaarka xaqa,Waa Nabi Maxamed s.a.w.iyo Malakul Jibriil s.a.w.

Malakul jibriil  a.s. baa nabiga s,a,w. u yimid  oo ku yidhi maxamedow s.a.w. umadaadu Waxay la kulmaysaa fidnooyin fara badan oo iska daba imanaya  midba mid kale  nabigu s.a.w. waxaa uu waydiiyey jibriil a,s, waxa lagaga baxayo,Jabriil a.s. waxaa uu ku yidh waa kitaabka alleh  xalku.

Kuwii raacay wadaadsina adduunka waxay ka curiyeen taariikh cajiib ah oo ka hormartay waxii  maamul  adduunka markaas jirey kuna can baxday cadaalad iyo sinaan  xaqa oo loo gargaaro iyo inaan qofna la dulmin Sidaa iyo nabad gelyo alle ha inaga dhigo kuwa kheyrka isku dardaarma  wanaaga is far xumahana iska reeba.
 

Fuadjawi@hotmail.com

Ottawa, Canada

Comments are closed